X

Somaliland: Marwo Faadumo Siciid oo la Guddoonsiiyay Abaalmarin Caalami Ah

Araweelo News Network.

Qaahira (ANN)-Marwo Faadumo Siciid oo ka mid ah haldoorka Somaliland, isla markaana xilligan ah La taliyaha xidhiidhka caalamiga ah ee gollaha guurtida Somaliland,  ayaa la gudoonsiiyay abaalmarin caalami ah.

Munaasibad si weyn loo agaasimay oo ka dhacday caasimadda dalka Masar ee qaahira, ayaa lagu guddoonsiiyay Marwo Faadumo Siciid abaalmarintaa oo lagu maamuso si heer caalami ah shaqsiyada wanaagsan ee qofka wax ka qabta arrimaha bini’aadanimada iyo arrimaha nabada.

Munaasibada Marwo Faadumo Siciid lagu guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah, image Araweelo News Network, 5 December 2021.

Munaasibada oo ay ka qaybgaleen Amiirada Sheikha Dana Al Sabah ee dalka Kuwait iyo  Boqorada Dua Bint Muhammed  Bin Salman ee dhaxalsugaha dalka Sucuudiga, waxa sidoo kale ka qaybgalay wasiirro ka socday xukuumadda dalka Masar, Diblamaasiyiin, qorayaal iyo martisharf kale.

Munaasibada Marwo Faadumo Siciid lagu guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah, image Araweelo News Network, 5 December 2021.

Marwo Faadumo Siciid oo markii la gudoonsiiyay abaalmarinta hadal kooban ka jeedisay, ayaa sheegtay in ay aad uga mahadcelinayso abaalmarinta loo gartay, “Waxaan u mahad celinyaa cid walba oo kaalin ka geystay in lay guddoonsiiyo abaalmarintan.

Marwo Faadumo Siciid oo la guddoonsiiyay abaalmarin caalami ah, image Araweelo News Network, 5 December 2021.

“ Waxaan jeclaan lahaa inaan qalbigayga oo dhan uga mahadceliyo dadka Masar Abaalmarintan cajiibka ah iyo soo dhawayntooda qiimaha baddan” ayay tidhi.

Marwo Faadumo Siciid, ayaa sheegtay in Buug ay hore u qortay oo ka hadlayay wax-qabadkeeda iyo hawlihii samafalka iyo arrimaha xuquuqda Aadamaha oo lagu turjumay luqada Carabiga uu tuxraac u noqday in loo garto abaalmarinta caalamiga ah.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post