X
    Categories: Warar

Somaliland Madxafka Ururinta Iyo Kaydinta Taariikhda Oo Albaabada Loo Furay

Araweelo News Network.

 

#Hargeysa(ANN) Masuuliyiin ka tirsan Xukuumadda #Somaliland, ayaa Albaabada u furay xarunta ururinta iyo kaydinta Taariikhda iyo dhaqanka dalka #Jamhuuriyadda Somaliland oo laga hirgeliyay badhtamaha magaalada Hargeysa.

Xaruntaa oo ay maanta xadhigga ka jareen masuuliyiinta ka socotay xukuumadda, waxa munaasibada furintaanka ee loo qabtay ka qayb-galay xubno ka mid ah golaha wasiirada, agaasimayaal guud, madaxda xarunta kaydka taariikhda qaranka Safiiro iyo wakiillo ka socday qaar ka mid ah dalalka caalamka ee Somaliland saaxiibka la ah iyo marti-sharaf kale oo tiro badan.

xarunta ururinta iyo kaydinta Taariikhda iyo dhaqanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo laga hirgeliyay badhtamaha magaalada Hargeysa 10 December 2020, Araweelo News Network.

Qaar ka mid ah masuuliyiinta ka qayb-galay oo hadallo ka jeediyey, ayaa ka hadlay muhiimadda ay leedahay taariikhda iyo hiddaha ummadda Somaliland iyo sida loogu baahan yahay in la kaydiyo.

Haanta waxa loo isticimaalaa Caanaha oo lagu lulo si subag looga saaro, mararka qaarna subaga ayaa lagu kaydsadaa, waxay ka mid tahay agabka ama weelka guriga ugu muhiimsan dhaqanka Bulshada Somaliland xilligii hore welina waa la isticmaalaa guryaha miyiga ee xoolo dhaqatada, waxay ka mid tahay waxyaabaha la dhigay xarunta ururinta iyo kaydinta Taariikhda iyo dhaqanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo laga hirgeliyay badhtamaha magaalada Hargeysa 10 Desember 2020, Araweelo News Network.

Agaasimaha guud ee madaxtooyadda Somaliland, Maxamed Cali Bille, ayaa si qoto dheer u sharraxay ujeeddada laga leeyahay xarunta cusub ee lagu ururinayo raad-raaca taariikhda dalka.

Mr. Bile waxa uu sheegay in goobtani ay tahay xarun lagu ururin doono hiddaha soo jireenka ah ee Ummadda iyo taariikhda faca-weyn ee ay bulshada Somaliland leedahay, isaga oo qaybaha kala duwan ee bulshadana ugu baaqay inay ka qayb-qaataan ururinta agabka kala duwan ee dhinaca hiddaha iyo taariikhda dalkaba.

Muuqaalka sawirkan qruxda badan waa Hablo Soomaaliyeed oo xidhan dirayskii Hiddaha iyo dhaqanka ee Garayska dhaclaha boqorka iyo cunnaamida, Photo File , Araweelo News Network.

Agaasimaha madxafka qaranka, Dr. Xuseen Saleebaan Axmed oo hadal ka jeediyay furitaanka xarunta, ayaa tilmaamay in xaruntani noqon doonto goob lagu sii ururiyo agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee la dhigi doono madxafka qaranka looga dhisayo badhtamaha caasimadda, waxana uu shacabka ugu baaqay inay kusoo tabarrucaan wixii agab ah ee ay hayaan.

Dhiisha waxa loo isticimaalaa Caanaha oo lagu lagu kaydsadaa, ama lagu qaata marka socdaalka, waxay ka mid tahay agabka ama weelka guriga ugu muhiimsan dhaqanka Bulshada Somaliland xilligii hore welina waa la isticmaalaa guryaha miyiga ee xoolo dhaqatada, walaw xilligan lagu bedelay Caagado. Dhiishu waxay ka mid tahay waxyaabaha la dhigay xarunta ururinta iyo kaydinta Taariikhda iyo dhaqanka dalka Jamhuuriyadda Somaliland oo laga hirgeliyay badhtamaha magaalada Hargeysa 10 Desember 2020, Araweelo News Network.

Wasiirka wasaaradda  Shaqo-gelinta, arrimaha bulshada iyo qoyska, Marwo Hinda Jaamac Gaanni iyo wasiir-ku-xigeenka wasaaradda warfaafinta, dhaqanka iyo wacyigelinta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdinaasir Cumar Jaamac oo geba-gebadii madasha ka hadlay, ayaa dhankiisa sheegay in ururinta taariikhda ummaddu ka mid tahay jiritaanka bulshada.

Masuuliyiinta ka hadlay goobta waxay dhamaantood hoosta ka xarriiqeen inay si dhab ah u taageeri doonaan hawsha ururinta agabka hiddaha iyo taariikhda dalka ee lagu ururinayo madaxfka qaranka.

 

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post