X

Somaliland: Madaxweynuhu Ilaa Hada Albaabka Kama Furin Dadkii Arrinta Ku Guntaday,Faysal

Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe

“Raggii ila soo hadlayay ee lahaa ku gunto Faysalow, waxaan leeyahay maanta anniga gacanta iiguma jiraan.”Guddoomiyaha UCID.

“Doorashada Madaxweynuhu waa dawadda keliya ee lagu baxsan karo”

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID, Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa si kulul u dhaliilay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa, isagoo sheegay in Madaxweynuhu doonayo inuu baabiyo wixii ay Somaliland soo dhisaysay muddada dheet.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu qiray in ay jiraan dedaalada dhexdhexaadinta ee la doonayo in xal loogu helo khilaafka, balse waxa uu ka dayriyay sida xalka ay ku keeni karaan ergooyinka aan weli Madaxweynuhu albaabka ka furin.

“Raggii xalay ila soo hadlayay ee lahaa, “Faysalow maanta waa maalintaadii ee ku gunto, waxaan leeyahay waar maanta anniga waxba gacanta iiguma jiraan, ilaa maanta dadkii is xilqaamay ee siyaasiyiinta lahaa, Culimada lahaa, Guurtida lahaa Albaabka kama uu furin.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal oo maanta warbaahinta la hadlay, isagoo ka hadlayay xaaladda dalka.

Guddoomiyaha UCID, wuxuu ku eeddeeyay Madaxweyne Biixi inuu bur-burinayo qaranimadii ay Somaliland dhisaysay, “Madaxweyne Biixi khayr kama soo jeedo, wuxuu samaystay sharci odhanaya, “Anna waan joogayaa, axsaabtana waan baabiinaaya.”meel ay ku taal waxa la furayaa Ururro toos ah meel ay ku taal ma jirto.” ayuu yidhi.

Guddoomiye Faysal, wuxuu dhaliilay Ururrada xafladdaha loo qabtay, isagoo yidhi, “Waad aragteen Ururrada magacyada hobollada la baxay, oo iyagoo aan sharci haysan kaanbaynka ku jira, xaflad walba oo ay qabsanayaan waxa gelbinaya ee soo dhawynaaya waa KULMIYE, wuxuu doonayaa axsaab uu leeyhay inuu sameeyo iyo sharci aan jirin.” ayuu yidhi.

Dhinaca kale, Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Eng. Faysal wuxuu ku eeddeeyay Xukuumadda Madaxweyne Biixi in mucaaradka ay “xabad la dhaceen”, oo murrshaxii WADDANI iyo Ilaaladiisii isku dayaan in ay gaadhi mariyaan oo ciidamadii kala saaro, waana kuwii dadka siday ula hadlayeen aad arkayseen, taas ayaa sababtay in ay halkaa yimaadaan in dad hubaysan oo difaacaya mucaaradka, waana kuwa uu “Madaxweynuhu leeyahay waa Beel” waa muwaadiniin ka xumaaday ficilka uu sameeyay. markaa dadka Somaliland waa in ay oggaadaan in dhibaatada cidda keenatay tahay Muuse, “Madaxweynaha.” markaa maanta doorashada Madaxweynuhu waa dawadda keliya ee lagu baxsan karo ee ha tartamo ee labadaa Kornayl yaanay Somaliland inaga burburin.” ayuu yidhi, Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

Muuqaalka Halkan Ka Daawo.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post