X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Safar Ugu Baxay Dalka Britain Iyo Ujeedada Socdaalka

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland Axmed Siilaanyo

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo oo safar gaar ah ugu baxay dalka Ingiriiska Maanta oo ay taariikhdu tahay 18/02/2017, waxa safarka madaxweynaha ku wehelinaayey Marwada Koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamin-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Somaliland Mudane Cali Axmed Cali, safarka oo lagu wado inuu muddo laba todobaadka ah qaato ayaa saxaafada waxa uga warbixiyey Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Xuseen Aadan Cige (Deyr).

Dhinaca kale wefti uu hoggaaminaayo Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Mudnae Maxamed Xaashi Cabdi oo ay wehelinayaan Wasiirka Maaliyada Marwo Samsam Cabdi Aadan, Amb. Baashe Cawil Cumar iyo Amb. Cali Xuseen Ismaaciil (Cali Shoombe), ayaa subaxnimadii hore ee saaka u amba baxay Imaaraadka Carabta, halkaasi oo ay u tageen hawlo shaqo oo la xidhiidha heshiiskii Dekeda Berbera ee DP Dp World.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post