X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Qaatay Kaadhka Codbixinta

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo ayaa maanta xarunta hay’adda shaqaalaha Dawladda u tegay qaadashada kaadhka codbixinta iyadoo ay wehelinayaan Marwada koowaad ee qaranka Somaliland Marwo Aamina Sheekh Maxamed Jirde iyo xubno ka mida golaha wasiirada xukuumadda.

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa oo ka mid ahaa saraakiisha Madaxeyne Axmed Silaanyo hoggaaminayey ee kaadhka cod bixinta doorashooyinka ka qaatay xarunta hay’adda shaqaalaha ayaa sheegay inay Xukuumad ahaan ka go’an tahay bixinta dhamaan kharashaadka ku soo hagaagay ee doorashada Madaxtooyada.

Mudane Wasiir Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sidoo kalena xusay inay xukuumad ahaan shacabka, iyo xisbiyada ugu baaqayaa in laga wada shaqeeyo diyaarinta jawi wanaagsan oo walaalnimo leh in lagu galo tartanka doorashada Madaxtooyada ee dalka ka qorshaysan 13 November, isaga oo Wasiirku xusay in laga fogaado wixii dhibaato keenaya.

Wasiirka Madaxtooyadda Jamhuuriyadda Somaliland Md. Maxamuud Xaashi ayaa sidaasi u sheegay Saxafiyiin ku sugnaa hoolka hay’adda shaqaalah oo uu ka qaatay kaadhkiisii codaynta waxaanu yidhi “ Waxa aanu maanta halkan guriga shaqaalaha u nimid, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo masuuliyiin la socday oo aan ka mid ahay iyo marwada qaranka in aanu qaadano kaadhkii cod-bixinta oo halkan aannu iska diiwaangalinay, oo ah xaq dastuuri ah oo muwaadin wal oo dalkani ka mid ahi uu leeyahay.”

“ Farxad weyn iyo guul ayey u tahay guud ahaan shacbiga Somaliland in afar gobol maanta aynu laba horena la dhameeyey, gobolada Maroodijeex iyo Togdheer-na ay hada ka socoto, waxa inoo hadhayna waa laba gobol, waxa weeye aad iyo aad hawl weyn oo baaxad leh ayeynu qabanay, arrintaasi waxay muujinaysaa oo ka markhaati kacaysaa in Somaliland dumuquraadiyadeedii aanay dhiman oo ay nooshahay, waxay ka markhaati kacaysaa doorashadii inaynu qarka u saaran nahay, oo ay inoo dhiman tahay muddo yar oo bilo ah oo ah inaynnu warqada codaynta iyo sanduuqa uun isku hubsano.”

Wasiirka Wasaarada Madaxtooyadda waxa kale oo uu sheegay inay bixin doonaan dhamaan lacagta komishnku ka sugayo ee lagu hirgalinayo doorashada waxaanu yidhi “ Xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo waxa ka go’an doorashado in doorashadaa wixii naga soo hagaaga in aanu barbar u tiirino, aduun badan iyo agaasin nabadgalyo ayaa doorashadan ku baxaya, dhammaanba diyaar ayaanu u nahay, baaqiga lacagta hadhayna waxaannu xukuumad ahaan bixinn doonaa oo Komishanka ku balanay tododobada bisha sideedaad, (07/08/2017) ayaanu bixin doonaa laba miylan oo doolar ($2, 000, 0000) oo lacagta doorashada ka dhiman, gudida doorashooyinka qaranka waannu u hambalyeynayaa, waanu bogaadinaynaa xukuumad ahaan hawl weyn ayey qabteen, waxaanu aaminsan nahay inay yihiin dad mudakar ah oo isku duuban xilkaana ka soo bixi kara.”

Mudane Xaashi ayaa dadweynaha iyo asxaataba baaq u diray waxaannnu yidhi “ Waxaanu u aragnaa in xisbiyada qaranka, xukuumadda iyo umadda oo dhami ay u guntado in doorashada aynu ku tartano jawi wanaagsan oo caafimaad qaba, oo walaalnimo leh, oo bisayl leh, oo garasho leh, oo xagtimaha iyo xangaruufaha iyo waxyaabaha inaga xumayn kara aynu Ummadd ahaan ka korno. Waxa shacbiga reer Somaliland aan ku guubaabinaynaa gaar ahaan gobolada Togdheer iyo Maroodijeex in dadka wali aan qaadan kaadhka cod bixintu inay qaataan oo aanay xaqooda lumin.”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post