X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Magcaabay Degmooyin Cusub Kadibna Safar Kedis Ah Ugu Baxay Dalka Turkiga

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Qaranka Somaliland Madane Axmed Maxamed Silaanyo oo ay wehelinayaan Marwada Koowaad ee Qaranka Marwo Aamina-weris Sheekh Maxamed Jirde iyo Xoghayaha gaarka ah ee Madaxweynaha Mudane Cali Axmed Cali, ayaa galabta u dhoofay Dalka Turkiga.
Madaxweyne Siilaanyo, lama ogga ujeedada safarkiisa, balse waxa lagu sifeeyay inuu yahay mid Dano Shaqsi ah, isla markaana la filayo inuu qaato muddo Todobaad ah.
Dhinaca kale Madaxweyne Siilaanyo ka hor intii aanu ka bixin qasriga Madaxtooyadda, wuxuu saaray Digreeto uu ku magcaabay Degmooyin cusub. sidaana waxa lagu sheegay qoraal saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo u qornaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu digreeto Madaxweyne oo Summadeedu tahay JSL/M/XERM/249-4090/072016 ku magacaabay todoba Degmo oo Cusub.
Madaxweynuhu:-
Markuu Arkay: Qodobka 90aad iyo Qodobka 109aad, Faqraddiisa 3aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markuu Arkay: Qodobka 10aad ee Xeerka Gobollada iyo Degmooyinka oo tilmaamaya wax-ka-beddelidda Qaab-dhismeedka Dalka;

Markuu Tixgeliyey: Codsiyada ka yimid Madax-dhaqameedyada, Waxgaradka, Culimada iyo Odayaasha Deegaanka;

Markuu Tixgeliyey: Baahida loo qabo in Degaanka Geba-gebo loo magacaabo Degmo cusub;

Markuu Dhegeystay: Soo jeedinta Wasaaradda Arrimaha Gudaha;
Wuxuu go’aansaday;
Ø In uu Balli-mataan u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Maroodi-jeex.

Ø In uu Geba-gebo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø In uu Faqayuub u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Togdheer.

Ø In uu Shaxda u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Xaysimo.

Ø In uu Wadaamagoo u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Saraar.

Ø In uu Adhi-cadeeye u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Sool.

Ø In uu Gumburaha u magacaabo Degmo, taasi oo ka tirsanaan doonta Gobolka Hawd.” ayaa lagu yidhi qoraalsaxaafadeed uu ku saxeexnaa Af-hayeenka Madaxtooyada JSL. Cabdiraxman Sh. Cilmi Faahiye (Shamax)

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post