X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Iclaamiyay Biyo Dhaammis

Burco(ANN)Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo ku sugan magaalada Burco kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu kusoo maray gobolada Bariga Somaliland, ayaa ku dhawaaqay Biyo Dhaammis deg deg ah in lala gaadho dadka iyo Xoollaha Abaartu ku habsatay ee deegaamada Somaliland.
Sidaana waxa shaaciyay Wasiirka Warfaafinta Cabdilaahi Cukuse oo uu wehelinayo Wasiirudawlaha Maaliyada Cadaani Saxardiid oo xubno ka ah wefdiga Madaxweynaha ee ku sugan Burco, halkaas oo ay kaga dhawaaqeen Biyo dhaammis degdeg ah.
Wasiirka Warfaafinta Cabdullaahi Maxamed Daahir Cukuse, ayaa warbaahinta u sheegay in Madaxweynuhu iclaamiyey maanta oo ay taariikhdu tahay 1 August 2015, in guud ahaan goobaha ay ka jirto biyo laโ€™aantu la gaadhsiyo Booyadaha Biyaha dhaamiya loona gurmado shacbiga iyo xoollaha Ooman ee Abaartu saamaysay.
โ€œMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa amar ku bixiyay in Biyo la gaadhsiiyo dadka Biyo Laโ€™aantu hayso sida Awdal iyo Gebilay iyo Deegaamada Bariga Somaliland ee Hulluul iyo Ceel-Afweyn oo ugu sii daran, sidaa awgeed Madaxweynuhu wuxuu saacadan amray in dadkaa Biyo deg deg loo gaadhsiiyo, waxaana lagu wargeliyay wasiirka Maaliyadda oo wefdiga ka mid ahayd inay deg deg ugu baxdo si ay hawshaa Madaxweynuhu amray ee Biyo Dhaammiska u abaabusho, waxaynuna Illaahay ka baryaynaa inuu Dayrta inoo hagaajiyoโ€ ayuu yidhi Cabdullaahi Cukuse oo warbaahinta la hadlay.
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post