X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Kormeeray Dhakhaatiirta Ka Socota Imaaraadka Carabta Oo Hawgal Caafimaad Ka Wada Garoonka Kubadda Cagta Ee Hargeysa

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa kormeer aan hore loo shaacin maanta ku tegay garoonka kubadda cagta ee Hargeysa Stadium oo ay gargaar caafimaad ka wadaan dhakhaatiir Imaaraadka carabtu u soo diray Somaliland, kuwaasi oo maalmahanba ka waday daaweynta iyo shaybaadho dadkii is-diwaangeliyey ee nasiibka u yeeshay inay noqdaan dadka sida tabarucaadka ah loogu adeegayo kuwaas oo kor u dhaafay shan kun oo qof.


Madaxweynuhu waxa uu kormeerkiisa xog waran kaga dhegeystay dhakhaatiirtii ku guda jiray hawshaasi caafimaad, waxaanu mid mid u dul istaagay dadkii ku sugnaa goobta oo qaarkood u jiifeen xanuunada laga dawaynayey ama laga baadhayeyba, markii kormeerka madaxweynuhu soo dhamaadayna waxa saxaafadda la hadlay dhakhaatiirtii hawsha gacanta ku haysay oo ka mahad sheegtay sida ay xukuumada iyo shacbiguba ula shaqeeyeen.

Wasiirka wasaaradda caafimaadka Dr Saleebaan Axmed Ciise (Xaglotoosiye), oo madaxweynaha warbixin ka siiyey sida ay hawshu u socoto iyo dadka la daweeyey ilaa wakhtigan, waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “Mudane madaxwayne waanu kaga mahad celinayanaa wakhtigaaga qaaliga ah ee aad ugu timi dhakhaatiirtan imaaraadka ka socda ee u yimi inay dadkeena daweeyaan kuwaas oo ay la shaqaynayaana dhakhaatiirta wasaaradda caafimaadku, madaxwayne mudadii dhawrka casho ahayd ee ay joogeen waxa is diiwaan galiyay 5,000 oo qof ilaa hadda waxay daweeyeen oo ay la kulmeen 2,000 oo qof waxaanu ku rajo waynahay inay 5,000-ba arkaan. Waxay dawaynayeen cuduro kala duwan. Waxa kale oo farxad noo ah in dhakhaatiirta wasaarada caafimaadku la shaqayn doonaan ururkan una raaci doonaan meel kasta oo caalamka ka tirsan”.

Madaxweynaha oo isna mahadnaq u diray dawladda imaaraadka carabta iyo dhakhaatiirta ku hawlan shaqadan, ayaa yidhi “Aad iyo aad ayaan ugu mahad celinayaa dawladda imaaraadka iyo dhakhaatiirta halkan timi waxyaabaha ay qabteen iyo hawlaha ay tarayaan aad baanu ugu mahad celinayaan Alle haydinla qabto gacan buuxdana waa idin siinaynaa waxaanu idinla qaban karnana waa idinla qabanaynaa”

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post