X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Ka Hadlay Gacansade La Socday Wefdi Wasiiro Ah Oo Toogasho Lagu Dilay

Hargeysa(ANN) Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud silaanyo ayaa ka hadlay Allah ha u naxariistee Ganacsade Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha ee Somaliland.
Marxuumka, ayaa geeriyooday kadib markii Askari boolis ah uu tacshiirad rasaas ah ku furay bar kaantarool oo ku taal deegaanka Daad-madheedh ee Oodweyne, isagoo ka mid ahaa wefdi wasiiro ah oo uu hogaamiyay wasiirka Caafimaadka Dr. Saleebaan Xagla-toosye.
Wararka qaar ayaa sheegaya in askariga oo ka mid ahaa ciidanka la socda diiwaagelinta medeniga ah uu ku joojiyay gaadhiga uu saarnaa ganacsadaha geeriyooday, balse markii ay is af dhaafeen uu ku jawaabay tacshiirada galaafatay nolosha muwaadinkaa.
Askariga fuliyay dilka, ayaa la qabtay, waxaana marxuumka iyo askariga loo soo gudbiyay caawa dhinaca magaalada Hargeysa, iyadoo marxuumka la dhigay qolka Maydka, isla markaana Askariga dilka geystay oo aan magaciisa la shaacin loo gudbiyay xabsiga.
Madaxweyne Siilaanyo, ayaa dhanabaal tacsi ah u diray warbaahinta, wuxuuna dhanabaalkaa oo uu ku xusay doorkii marxuumka ku yidhi sidan:
“ Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo Shacbiga Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacmadheere) oo ku geeriyooday Maanta 22/03/2015, gobolka daadmadheedh, kana mid ahaa Odayaashii ka soo shaqeeyey nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka, sidoo kalena ka mid ahaa ganacsatada dalka ee xoolaha dhoofiya.

Madaxweynuhu marxuumka waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”
Dhinaca kale Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay geerida marxuumkaa, wuxuuna dhanbaal tacsi ah oo uu caawa kasoo saaray ku yidhi, “ anigoo ku hadlaya magacayga , Gudida fulinta , Golaha Dhexe iyo dhamaan xubnaha iyo taageerayaasha xisbiga kulmiye waxaan Tacsi tiiraanyo leh u dirayaa Eheladii, qaraabadii, asxaabtii, bahda ganacsatada iyo dhamaan shacbi waynaha Somaliland ee uu ka baxay marxuum Xuseen Maxamuud Cawaale (Gacma-dheere) oo ka mid ahaa ganacsatada xoolaha dhoofisa oo geeryooday.
Waxaan Alle uga baryayaa marxuumka inuu u naxariisto dhamaanteena samir iyo iiman inaga siiyo.
Aamin Aamin Aamin
INNA LILLAHI WA INA ILAYHI RAAJACUUN

Araweelo News Network
Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post