X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Siilaanyo Oo Guddi U Saaray Mushkilada Dhulka Ee Sababta Xiisadaha Saamaynta Weyn Ku Yeeshay Arrimaha Amaanka Dalka

Hargeysa(ANN)Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane. Axmed Maxamed Silaanyo, ayaa guddi u saaray diyaarinta siyaasad dib loogu habaynayo arrimaha dhulka oo muddooyinkii u danbeeyay galaaftay nolosha dad baddan, isla markaana noqday mushkilad sii xooggaysanay marba marka ka danbaysa Somaliland oo khatar ku ah amniga iyo deganaanshaha dalka.

sida lagu sheegay Digreeto Madaxweyne Siilaanyo xafiiskiisa kasoo baxday caawa oo ku taariikhaysan 20 August 2015, isla markaana uu ku saxeexanyahay Af-hayeenka Xafiiska Madaxtooyada Somaliland Axmed Saleebaan Dhuxul, waxa lagu sheegay in xubno wasiiro ah oo ka kooban 12 xubnood loo magcaabay dib u habaynta siyaasada dhulka.
Digreetada Madaxweynaha oo summadeedu JSL/M/MG/081/1-3495/082015 ku magacaabay, isla markaana lagu magcaabay guddida Hawsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka oo ka kooban 12 wasiir oo lagu socod siiyay xubnaha wasiirkadda, waxa lagu yidhi sidan:-

Ujeeddo: Magacaabid Guddi

Ku: Wasiirka Wasaaradda Deegaanka iyo Horumarinta Reermiyiga

Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Qorshaynta Qaranka iyo Horumarinta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud, Guriyeynta iyo Gaadiidka

Ku: Wasiirka Wasaaradda Xannaanada Xoolaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Beeraha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda

Ku: Wasiirka Wasaaradda Macdanta iyo Tamarta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Madaxtooyada

Ku: Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta

Ku: Wasiirka Wasaaradda Biyaha

Ku: Wasiirka Wasaaradda Caddaaladda iyo Arrimaha Garsoorka

Mudanayaal Sida aad la socotaan, ee uu dhigayo Qodobka 12aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, dhulku waa hanti guud oo ka dhexeeya ummadda, mas’uuliyadiisana dawladda ayaa xil ka saaran yahay.

Haddaba, waxa muuqata in dhulkii Jamhuuriyadda Somaliland si sharciga baalmarsan loogu tagrifalayo. Sidaas darteed, waxaan idiin magacaabay Guddida Diyaarinta Qabyo-qoraalka Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka Somaliland.

Waxaan idinka rajaynayaa inaad xil mug iyo miisaan leh iska saari doontaan Hawlsha Diyaarinta Siyaasadda Dib-u-habaynta Dhulka” ayaa lagu yidhi qoraalka kasoo baxay Xafiiska Madaxweynaha Somaliland.
Dhinaca kale Digreetada Madaxweyne Siilaanyo, ayaa kusoo beegantay iyadoo muddooyinkii u danbeeyay xiisadaha ka dhasha arrimaha dhulku sii xooggaysteen, isla markaana sababeen rabshado galaafta nolosha muwaadiin baddan, kuwaas oo ku nafwaaya rabshado dhinaca dhulka ah oo Boolisku soo dhex galaan iyo kuwo dhinacyada dhulka iskaga hor yimaadaa sabab u noqdaan dhimashadooda.

Somaliland Office
Email info@araweelonews.com
Jaamac132@gmail.com
Twitter: Arraale M Jama @Araweelonews.

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post