X

Somaliland: “Madaxweyne Sharciga Kusoo Laabo, Halgamayaal Iyo Siyaasiyiin Ka Hadlay Xaallada Dalka

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Cabdullaahi Xuseen Iimaan (Cabdullaahi Dareewal) oo ka mdi ah siyaasiyiinta Somaliland iyo halgamayaashii ururkii SNM oo ay hareera joogaan xubno kale oo ka mid ah halgamayaashii iyo aqoonyahano, ayaa ugu baaqay Madaxweyne Biixi inuu sharciga dalka kusoo laabto.

Halgamayaashan iyo xubanaha aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta ah oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, waxay ka digeen in sharciga dalka la baalmaro.

Siyaasiyiin, Halgamayaashii SNM iyo aqoonyahano ka hadlay xaaladda da;la, Image Araweelo News Network, 11 December 2021.

 Siyaasi Cabdullaahi Xuseen Iimaan, ayaa si adag u  sheegay in xeerka ururada siyaasadu ku muddo dhaafay xafiiska Madaxweynaha, cid walaba oo ehel u ah sharciga waxay qirtay in sharcigaasi hirgalay, ayuu yidhi.

Wuxuu sheegay in Baarlamaanku yahay Hay’ad ka mid ah hay’addaha qaranka, sidaa awgeed ay ahayd Madaxweynuhu inuu xeerka xilligii uu sharcigu siiyay dib u celiyo gollaha oo xoghayntu ka qaban lahayd wuxuu ahaan lahaa sharci, laakiin waqtigii wuu dhacay oo sidaa ayuu sharcigaasi ku meel maray, ayuu yidhi, Cabdullaahi Xuseen Iimaan.

“Waxaad mooddaa in sharciyada dalkan ay afduuban tahay oo kolba ciddii meesha timaadaa siday doonaan u galaan.” Ayuu yidhi.

Sidoo kale, wuxuu ka hadlay xubnaha gollaha wakiillada ee dhowaan la doortay, wuxuuna xusay in ay aad ugu han weynaayeen oo ay u arkayeen in ay la imanaayan siyaasad cusub iyo isbedel.

“Waan u han weynayn xubnaha cusub ee Baarlamaanka, waxaan filaynay in ay la imanayaan siyaasad cusub iyo isbedel, kamana ciil janbsanin weli, waxaanse usoo jeedinayaa in ay dalka sharciyadiisa ku sugaan oo dalka loo fekero,” ayuu yidhi, Cabdullaahi Dareewal.

Sidoo kale, waxa ka hadlay arrimahaa xubno kale oo ay ka mid yihiin Prof, Cabdisalaan Yaasiin, Prof. Cabdi Cali, Mujaahid Axmed Gaydh iyo Isxal oo ka mid ahaa halgamayaashii SNM.

Prof. Cabdisalaan Yaasiin, ayaa sheegay in Dastuurka iyo xeerarka dalka loo baahan yahay in la ixtiraamo, “Madaxweynuhu 53 maalmood kaddib ayuu soo celiyay xeerka, mana aha sharci.” Ayuu yidhi.

Halkan ka Daawo Muuqaalka oo dhamystiran.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and H

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post