X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Dhaliilay Shirka Dhaqaalaha

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo hadal ka jeediyay shirka dhaqaalaha ee maanta ka furmay Magaaladda Hargeysa, ayaa dhaliilo u jeediyay masuuliyiinta xukuumaddiisa ee soo agaasimay shirkaa.

Shirka Maddasha Qaranka ee Dhaqaalaha, Image Araweelo News Network, 12 September 2022.

Masuuliyiinta sagaal wasaaradood oo ay hormood u yihiin Wasaaraddaha Maaliyadda iyo Qorshaynta, ayaa soo qaban qaabiyay shirkaa oo sida lagu sheegay ajandaha lagaga hadlayo dhaqaalaha Qaranka, oo la doonayo in lagu faaqido fursadaha jira iyo caqabadaha ganacsiga.

Shirkaa waxa ka qayngalay masuuliyiinta Hay’addaha xukuumadda ee kala duwan, ganacsato iyo aqoonyahan, kuwaas oo hadalo ka jeediyay madasha.

Haseyeeshee Madaxweyne Biixi, ayaa hadal kooban oo furitaanka shirka uu ka jeediyay ku cannaantay masuuliyiinta wasaaraddaha iska lahaa qaban qaabada shirka in aannay mudnayn inuu ku hanbalyeeyo 100%, isagoo taas sabab uga dhigay dhaliisha uga soo baxday madasha shirka markii uu isha mariyay dadka kasoo qabgalay.

“Masuuliyiinta Wasaaraddaha  shirka dhaqaalaha qaranka soo qaban qaabiyay waxaan hanbalyaynayaa 50%, sababtoo ah dastuurka ayaa I faraya, inaan kala haddho, waayo? Dastuurku wuuu ina yidhi, “Muwaadiniintu way siman yihiin, shaqooynka iyo xilalka dalka, ” Sagaalka wasaaradood ee ay hoggaaminayaan Dr. Sacad (Wasiirka Maaliyadda) iyo Dr Buuxane, waxaa ka maqan 50% dadkii shaqadaa qaban lahaa ee muwaadiniinta ahaa.” Ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi.

Sidoo kale, Madaxweyne Biixi wuxuu sheegay in aannay siyaasadda xukuumaddu sidaa ahayn, isagoo yidhi, “Hablaha haddii loo diiday siyaasadii iyo xilalka waaweyn oo aynu ognahay xagga dhaqaalaha in ay ragga ka fiican yihiin nagama kiin qabanayn inaad noo soo xushaan 100 nin oo aannay gabadh keliya ku dhexjirin, waxaana ka dhiman shaqada aad qabteen caqligii, fekerkii iyo waxqabadkii 50%,waxaanse filayaa in kuwa danbe la saxayo.” Ayuu yidhi,

Madaxweyne Biixi, wuxuu sheegay in aannu isagu dhaqaalaha wax baddan ka aqoon, balse wuxuu soo jeediyay in saddex qodob xoogga la saaro, kuwaas oo kala ah, dhibaatooyinka Abaraaha ee sababa Biyo la’aanta iyo naabaad-guurka deegaanka,  korodhka magaalooyinka, helitaanka Laydh qiimihiisu  iyo in nollosha dadka loo jiheeyo dhanka xeebaha, wuxuuna Madaxeynuhu tusaale usoo qaatay sida ay cimiladu isu beddeshay iyo dhibaatooyinka deegaanka. Sidaa awgeed wuxuu usoo jeediyay shirka in arrimahaa la saaro ahmiyada.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

tiktok.com/@araweelonews

araweelonews.tumblr.com

@araweelonews /

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post