X

Somaliland: Madaxweyne Oo Booqday Taliska Guud Ee Ciidanka Qaranka Iyo Farriinta Loo Diray Ciiddamada Kala Duwan

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si lama filaan ah u booqday maanta Taliska Guud ee Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Magaalada Hargeysa.

Wasiirka Gashaandhiga, Cabdiqani Maxamuud Caateeye,oo ay weheliyaan Taliyaha Ciidanka Qaranka, Sareeye Gaas Nuux Ismaaciil Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka, Sareeyo Guuto Cabdirisaaq Siciid Bulaale Afguduud iyo Saraakiil kala duwan oo ku-sugnaa Taliska Guud. Ayaa kusoo dhoweeyay Madaxweynaha markii uu booqday xarunta Taliska.

Madaxtooyadda Somaliland oo war qoraal ah kasoo saartay booqashada Madaxweynaha ee Taliska Guud xilligan oo collaada Laascaanood sii kululaanay, ayaa ku macnaysay in boqashadu ahayd mid caadi ah oo Madaxweynuhu ku gudanyo waajibkiisa shaqo.

Hase yeeshee, waxa qoraalka lagu xusay in Madaxweyne Biixi  kulan la yeeshay Saraakiisha Ciidanka Qaranka ee  ku sugnaa  Taliska, kuwaas oo warbixin la xidhidiha Amniga iyo difaaca Qaranka la wadaagay Madaxweynaha.

Wasiirka Wasaaradda Gashaandhiga oo ay weheliyaanTaliyaha Ciiddamada Qaranka Somaliland, ayaa xusay in Ciiddamada Qaranku ay heegan buuxa ugu jiraan marwalba difaaca, dalka iyo dadka, cidkasta oo Qarankan hagardaamo la damacsana ay ku dhufanayaan dhirbaaxo aannay mahadin, ayaa lagu yidhi, qoraalka,  sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in warbixinta wasiirka ay ku jirtay in Ciiddamada Qarankuna aanay ahayn kuwo loo baqo ee ay yihiin kuwo difaac adag ugu jira Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo muwaadiniintiisa.

Madaxweyne Biixi, ayaa dhankiisa Ciiddamada Qaranka ku bogaadiyey, isla markaana ku dhiirigeliyay dedaalka, kartida iyo adkaysiga Ciidannimo ee ay muujiyeen kuna difaacayaan Qarannimadooda iyo weerarada kaga imanaya huwanta ka dagaalamaysa Laascaanood.

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, ayaa bogaadiyay bahda caafimaadka ee dedaalka Qarannimo la barbar taagan ciiddamada Qaranka.

Qoraalka ayaa sidoo kale, lagu xusay in Madaxweynuhu boggaadiyay bahda warbaahinta oo uu xusay doorka ay ku leeyihiin arrimaha Qarannimada iyo shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee taageerada la barbar taagan ciiddamada Qaranka.

Madaxwyenuhu, wuxuu markaa kaddib kormeer ku tegay Taliska Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, isagoo warbixin la xidhiidha xaaladda amniga ka dhegeystay Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland, Sareeye Guuto Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale).

Sidoo kale, waxa lagu xusay qoraalka in Madaxweyne Biixi  booqday Xerada Ciidanka Birmadka, kuwaas oo ah kuwa heeganka ugu jira hawlaha degdega ah ee amniga sidii ay ugu gurman lahaayeen marka loo baahdo.

Madaxweynaha Qaranka Somaliland waxa uu markaa kaddib  dardaaran iyo dhiirigelinba u diray ciidamada kala duwan ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, kuwaas oo kala ah Ciidanka Qaranka Somaliland, Ciidanka Booliska, Ciidanka Asluubta, Ciidanka Ilaalada Xeebaha, Ciidanka Laanta Socdaalka, Ciidanka Sirdoonka iyo Ciidanka Dab-damiska oo iyagu dedaal muujiya mar walba ay gurmad ugu samaynayaan dhibaatooyinka dabka iyo waxyaabaha kale, sida xilliyada roobabka, iyadoo qoraalka lagu muujiyay in Madaxweyne Biixi ku dardaaray ciiddamada kala duwan inay laba jibaaraan dedaalkooda oo ay meel uga soo wada jeedaan cidii dhibaato la damacsan amniga Qaranka.

Dhinaca kale, Booqashada Madaxweyne Biixi, ayaa kusoo beegantay, iyadoo maanta dagaal khasaare dhaliyay ka dhacay Magaalada laascaanood ee xarunta gobolka Sool, halkaas oo ay muddooyinka ciidanka qaranka Somaliland kusoo weerarayeen Maleeshiyaadka Puntland, Somlaia, kuwa deegaanka iyo Kooxo lala xidhiidhiyay Ururada Argagixisada oo ka faa’idaysnaya qaska siyaasadeed iyo collaada ka aloosan Laascaanood, isla arkaana ay weli kusoo qulqulaayan maleeshiyaad isugu habar wacday oo qaab qabiil u abaaulan, kuwaas oo qaarkood ka yimaadeen deegaamada fog ee cidhifyada Bariga iyo Koonfurta Soomaaliya.

Please share with your friends the news and information provided by Araweelo News Network.

Published by  Araweelo News Network.

Follow us on Twitter@Araweelonews

Follow us and Like on Facebook@AraweeloNews

Follow us on /instagram@araweelonews

Follow us on TikTok / Tiktok.com/@araweelonews

Follow us on /araweelonews.tumblr.com

https://mursaljamasspace.quora.com/

YouTube channel for more videos: https://www.youtube.com/c/AraweeloTv

@araweelonews

Araweelo News Network.

www.araweelonews.com
www.araweelonews.net
www.araweelonews.com/archi/ 

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post