X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Bixii Oo Magcaabay Masuuliyiin

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-269/022019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey gudoomiye gobol iyo ku xigeenkiisa.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ku: Axmed Diiriye Cabdillaahi
Guddoomiyihii hore ee Gobolka Daad-madheedh

Ku: Maxamed Cabdillaahi Cilmi (Xujaale)
Guddoomiye Ku-xigeenkii Hore ee Gobolka Daad-madheedh

Ujeeddo: Xil-ka-Qaadis

Mudanayaal,

Sida aad la socotaan, xilka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo dhiibo hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.

Haddaba, waxaan idinka rajaynayaa in aad si niyad-sami ah ugu wareejin doontaan Masuuliyiinta cusub ee aan u soo magacaabay xilalka Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh.

Magacaabid

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waayo-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan Go’aansaday;

In aan masuusiliyiintan u magacaabo xilalkan:

  1. Nuur Cismaan Guuleed Guddoomiyaha Gobolka Daad-madheedh
  2. Maxamed Cali Axmed Guddoomiye Ku-xigeenka Gobolka Daad-madheedh

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post