X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Bixii Oo Magcaabay Masuuliyiin Cusub Kuwa Kalena Xilka Ka Qaaday

Madaxweyne Muuse Biixi

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa magcaabay masuuliyiin cusub, Isla markaana xilalkii ay hayeen ka qaaday masuuliyiin xilal hore hayay, halka Madaxweynuhu meelo kale u bedelay masuuliyinta qaarkood.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday Qasriga Madaxtooyadda oo uu ku  saxeexanyahay Madaxweyne Muuse Biixi, wareegtadaa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda wararka ee Araweelo News Network, ayaa u qornayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-179/082018, uu maanta ku magacaabay masuuliyiin cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Magacaabid

Markaan Arkay:​Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay:​Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay:​In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: ​La-tashi;

Waxaan Go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan xilalkan u magacaabo masuuliyiintan:

1.Baashe Cawil Cumar
Wakiilka Somaliland ee Dalka Kenya

2.Xasan Hirad Yaasiin
Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta

3.Bashiir Sheekh Cumar Good
Wakiilka Somaliland ee Dalka Maraykanka

4.Cabdillaahi Cabdi Cali (Dhakaar)
Ergayga Gaarka ah ee Somaliland u qaabilsan Urur Goboleedka Horumarinta iyo Xidhiidhka Bulshada Bariga Afrika (EAC)

5.Xasan Axmed Ibraahin (Embassy)
Maareeyaha Haamaha Kaydka Shidaalka Qaranka

Waxaan uga mahadcelinayaa muddadii uu hayey xilka Qaranka Wakiilkii hore ee Somaliland u fadhiyey Dalka Maraykanka Mudane, Rashiid Maxamed Nuur (Gaaruf).

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post