X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Bixii Muxuu Kala Soo Noqday Safarkii Dalka Imaaraadka?

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, oo dalka kusoo laabtay Magaalada Hargeysa. 21 April 2019.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay oo maalmihii u danbeeyay ku sugnaa dalka Imaaraadla Carabta, ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay.

Madaxweynaha iyo weftigiisa, waxa madaarka Cigaal International Airport kusoo dhaweeyey xubno kamid ah golaha wasiirrada, saraakiil ka socday axsaabta mucaaridka , maamulka gobolka Maroodi-jeex, saraakiil xukuumadda ka tirsan iyo masuuliyiin kale.

Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo ah Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah, isla marakaana ka mid ahaa masuuliyiinta Madaxweynaha ku weheliyay safarkaa, ayaa warbaahinta u sheegay in madaxda dalka Imaaraadka ay ka wada hadleen arrimaha iskaashiga iyo nabadgelyada, waxana isaga oo yidhi, “Waxa aad looga wada-hadlay is-kaashiga xagga nabadgelyada, sida aad og tihiinna mandaqadda waxa aad ugu soo xoogaysanaya Argagixisada oo meelo badan ku sugan, sidii arrintaas looga hor tagi lahaa, la isagana kaashan lahaa ayaa kamid ahaa qodobbada ugu waaweyn ee uu wada-hadalkaasi ku saabsanaa.”

Sidoo kale, wuxuu sheegay Wasiir Faratoon in kulamada ay weftiga uu madaxweynuhu hoggaaminayaa la qaateen masuuliyiinta ugu sarreeya dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta lagaga wada hadlay arrimo dhinaca horumarinta dhaqaalaha Somaliland la xidhiidhiidha, kuwaas oo sida uu xusay  ay ugu weyn tahay Aas-aasidda shirkad ka shaqaysa xoolaha Somaliland, “Arrinta nabadgelyada waxa wehelinayey arrimo kale oo muhiim ah oo ku saabsan xagga dhaqaalaha, waxana kamid ahaa in Jamhuuriyadda Somaliland iyo dalka Imaaraadka Carabtu ay si wada-jir ah u sameeyaan hay’ad dhoofisa Xoollaha Somaliland, taas oo iyadu qaadda oo usii gudbisa caalamka intiisa kale, ama dalalka Carabta ha noqoto, ama dalal kale oo kasoo fog ha noqotee, arrintaasina waa arrin weyn oo lasoo galay oo la filayo inay dhaqaalaha dalkan wax badan ka qaban doonto. Qodobbada kale ee laga wada hadlay waxa kamid ahaa sidii Somaliland Bangigeeda dhexe loo xoojin lahaa, dalkastana dhaqaalihiisa qayb weyn buu ka yahay Baanka, Baanka, ayaana dalka maaliyaddiisa haya oo xukuma oo qorsheeya, haddii uu dhaqaale haystana wax badan kuu tari karaa,” ayuu yidhi wasiir Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir  Faratoon.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo Is-kaashiga caalamiga ah ee Somaliland, Prof. Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), ayaa  sheegay  in Masuuliyiinta Imaaraadka Carabta isla garteen in Madaarka Berbera ee ay dib-u-dhiska ku waddo dawladda Imaaraadku  ay diyaaradaha rayidka iyo kuwa ganacsiguba isticmaali doonaan, waxana uu yidhi, “Arrimaha kale ee muhiimka ah ee dhinaca dhaqaallaha la xidhiidha ee laga wada-hadlay waxa kamid ahaa madaarkii Berbera ee aad maqlayseen inuu markii hore  kamid ahaa saldhigga ay halkaas Imaaraadku ka samaysanayaan, waxa la isla gartay inuu madaarkaasi noqdo mid diyaaradaha rayidka ah iyo kuwa ganacsiguba ku degi karaan oo ka shaqaysan karaan oo aan ku koobnaan doonin madaar militeri.”ayuu yidhi, Wasiirku isagoo aan sharaxin sida ay Madaar keiya u wada istocmaali karaan Milateri iyo shicib.

Sidoo kale Wasiir Faratoon ma xusin Masuuliyiinta dalka Imaaraadka ee ay la kulmeen iyo kuwa ay arrimahan ka wada hadleen, iyadoo masuuliyiinta xukuumaddu mar walab xusi jiray madaxda ay la kulmaan marka ay safarada ugu baxaan dalka Imaaraadka, balse safarkan mid aad uga sanqadh yar safaradii hore ee Madaxda Somaliland marka ay booqdaan dalka Imaaraadka, iyadoo mudadii madaxweynaha iyo wefdigiisu ku sugnaayeen dalka la arkin sida hore looga bartay soo dhowayn loo samaynayo iyo cida ay la kulmeen.

Waxa kale oo warbixinta Wasiirka Arrimaha Dibbada laga dhadhansan karaa inuu jiro is bedel aan weli soo shaac bixin oo xidhiidhka Somaliland iyo dalka Imaaraadka.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post