X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Qasriga Madaxtooyadda Ku Qaabilay Xildhibaanno iyo Masuuliyiin Ka tirsan Dawladda Uganda

Araweelo News Network

Madaxweynaha Somaliland oo qaabilay Xildhibaano Uganda ah

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefdi ballaadhan oo ka socda dalka Uganda, kuwaas oo ka kooban xildhibaanno Baarlamaan iyo xubno dawladda ka tirsan.

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha wefdiga xildhibaannada ah ee ka socday dalka Uganda, ayaa waxa ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil(Saylici), guddoomiyaha Baarlamaanka, Mudane Baashe Maxamed Faarax iyo wasiirka arrimaha dibadda, Dr. Sacad Cali Shire, waxana lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan horumarinta xidhiidhka ka dhexeeya labada dal ee Somaliland iyo Uganda iyo sidii loo sii xoojin lahaa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda Jamhuuriyadda Somaliland,Dr. Sacad Cali Shire oo markii kulankaasi soo dhammaaday warbaahinta la hadlay, ayaa ugu horrayn sharraxay kulanka dhexmaray madaxweynaha iyo wefdiga, waxana uu yidhi, “Waxa halkan inoogu yimi oo soo booqday madaxweynaha wefdi ka kooban xubnaha Baarlamaanka ee dawladda Uganda oo soo sharfay madaxweynaha, Uganda waa dal uu inaga dhexeeyo cilaaqaad taariikhi ahi oo dad iyo dhaqanba inaga dhexeeyo, madaxweynuhuna aad iyo aad buu usoo dhaweeyey, waxana ay inala joogi doonaan dhawrka cisho ee soo socda, waxana uu kulankani inoo noqon doonaa bilowga cilaaqaad cusub oo dhinac walba ah.”

Isaga hadalkiisa sii waxa uu wasiirku intaas ku daray, “Waxa ay madaxweynaha iyo wefdigu ka hadleen cilaaqaadka ina dhexmari kara, iyaguna waa wefdi xog-doon ah oo inay xog-ogaal inoo noqdaan bay inoogu yimaadeen,” ayuu yidhi wasiir Sacad Cali Shire.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post