X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Isku Shaandhayn Iyo Caydhin Ku Sameeyay Xukuumaddiisa

Madaxweyne Muuse Biixi

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuruyadda Somaliland Muuse Biixi, ayaa isku Shaandhayn iyo xilka qaadis ku sameeyay qayb ka mid xukuumaddiisa.

Sidaana, waxa lagu sheegay wareegto kasoo baxday Qasriga Madaxtooyadda Somaliland.

Wareegtada, ayaa u qornayd sidan:-

WAREEGTO MADAXWEYNE: 30 /03/2019
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-286/032019, uu Xilka qaadis, Magacaabid iyo Isku-beddel ku sameeyey xubno ka mida xukuumadda.
Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-
Wareegto Madaxweyne
Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wasiiradda
Ku: Cabdiraxmaan Cabdillaahi Faarax Diiriye (Guri Barwaaqo);
Wasiirkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Ciise Axmed Yuusuf Cabdalle;
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Gaashaandhigga
Ku: Maxamed Muuse Abees
Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen ee kala ahaa:

  1. Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka.
  2. Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga.
  3. Wasiir Ku-xigeenka Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka.
    Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
    Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Agaasimeyaasha Guud
    Ku: Jamaal Cabdilaahi Muxumed
    Agaasimihii hore ee Wasaaradda Gaashaan-dhiga
    Ku: Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeye
    Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
    Ku: Cabdikariim Xuseen Siciid
    Agaasimihii Guud ee hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
    Mudanayaal,
    Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
    Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
    Ujeeddo: Xil Ka-qaadista Wakiilada
    Ku: Xasan Hirad Yaasiin
    Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
    Ku: Ayaanle Salaad Diiriye
    Wakiil Ku Xigeenkii hore ee Somaliland ee Dalka Kenya
    Mudanayaal,
    Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen.
    Waxaan idiinka mahadcelinayaa muddadii aad hayseen xilalkaas Qaran.
    Magacaabida
    Wareegto Madaxweyne
    Magacaabid
    Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
    Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
    Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
    Markaan Sameeyey: La-tashi Ballaadhan;
    Waxaan Go’aamiyey;
    In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:
  4. Cabdiqani Maxamuud Caateeye Fariid Wasiirka Wasaaradda Gaashaan-dhiga
  5. Maxamed Muuse Diiriye Wacays Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  6. Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda
  7. LiibaanYuusuf Cismaan Xuseen Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka
  8. Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  9. Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah
  10. Maxamed Yuusuf Ismaaciil Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha
  11. Jamaal Cabdi Muuse Diiriye
    Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Xidhiidhka Golayaasha iyo Arrimaha Dastuurka
  12. Maxamed Cabdillaahi Siciid Khaawi Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
  13. Mukhtaar Maxamed Cali Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
  14. Farxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dawladda
  15. Muniir Xaaji Cabdillaahi Abusite Wakiilka Somaliland ee Dalka Imaaraadka Carabta
  16. Sharmaarke Axmed Muxummed Geelle Wakiil Ku Xigeenka Somaliland ee Dalka Kenya
  17. Maxamed Cabdillaahi Ibraahim Guddoomiye Ku Xigeenka Gobolka Togdheer
    ALLAA MAHAD LEH
    Muuse Biixi Cabdi
    Madaxweynaha JSL.

                Nasir Yusuf Dahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post