X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Ugu Baaqay Ganacsatada Inay Wax Tayo Leh Dalka Soo Geliyaan

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii oo xadhiga ka jaraya Carwadii sided ee ganacsiga oo laga furay Hargeysa 9 Dec, 2018.


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, MudaneMuuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay sida loo horrumarin karo dhaqaalaha dalka,isla markaana ugu baaqay in ay wax tayo leh soo saaraan, wuxuuna Madaxweynuhu hadalkaa ka jeediyay mar uu saaka xadhiga ka jaray xadhigga ka jaray bandhiggaCarwadii siddeedaad ee Somaliland oo laga daah-furay magaalada Hargeysa.

Carwadan oo ay soo qaban qaabisay Rugta Ganacsiga Somalilandayaa sannadkiiba hal mar laqabta, isla markaana ay kasoo qayb-galaanganacsatada badeecadaha kala duwan dibadda ka keentay iyo kuwa wershadaha waxsoo saar dalka ku leh, waxaana madaxweynaha kala qaybgalay hoggaanka rugtaGanacsiga, wershadaha iyo Beeraha, xubno kamid ah golaha wasiirrada iyohoggaanka shirkadaha waaweyn ee dalka ka shaqeeya, waxana madasha laga jeediyeyhadallo salka ku hayey horumarka ay ganacsatada dalku ku tallaabsadeen iyobaahida loo qabo in mar walba la diyaariyo madal ay ku kulmi karaan ganacsatadaiyo macaashoodu.



Guddoomiyaha rugta Ganacsiga Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Shugri, ayaa ugu horrayn si mug leh u sharraxay muhiimadda ay carwadani u leedahay bulshada iyo sida ay fursadda ugu tahay ganacsatada iyo macaamiishooda kala duwan, waxana uu ganacsatada ku boorriyey inay madasha keenaan waxyaabo soo jiidan kara macaamiisha, islamarkaana qiimahoodu macquul yahay.

Wasiirka Ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Somaliland,Mudane Maxamed Xasan Sacad (Saajin), maayarka caasimadda Hargeysa, MudaneCabdiraxmaan Maxamuud Caydiid (Soltelco) iyo Badhasaabka gobolka Maroodi-jeex,Mudane Jaamac Xaaji Axmed iyo xubno ku hadlayey ganacsatada waaweyn eeSomaliland oo madasha ka hadlay, ayaa si isku mid ah u sharraxay faa’iidada ayguud ahaanba bulshada reer Somaliland u leedahay furitaanka carwadani oo lagusoo bandhigayo  wax soo saarka kala duwanee dalka gudihiisa ka  soo baxa,adeegyada shirkaddaha qaarkood muwaadiniintooda u qabtaan iyo weliba waxyaabahakala duwan ee ganacsatadu dibadda kasoo waariddo.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse BiixiCabdi, ayaa ugu horrayn  sharraxaymarxaladihii kala duwanaa ee ay ganacsatadu kala soo tabbaalatay dalka iyosidii ay ugu soo dhabar-adaygeen duruufihii adkaa ee dalku soo maray, waxana uuka codsaday inay ka fiirsadaan tayada waxyaabaha kala duwan ee ay dalka soogelinayaan, muhiimad gaar ahna siiyaan tayada iyo waxtarka waxyaabaha kasoo baxaya wershadaha kala duwan ee ayganacsatadu dalka gudihiisa ka hirgelisay.

muuqaal qaar ka mid ah ka qaybgalayaasha Carwadii sideedaad ee ganacsiga oo laga furay Hargeysa 9 Dec, 2018. Photo by, Araweelo News Network.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu hoosta ka xarriiqay in isku-duubnida aqoonyahanka, dhaqaale-yahanka iyo hoggaanku tahay jidka kaliya ee lagu hormari karo, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Horumarka dalka saddex qodob baa tiirar u ah, mid waa dhaqaale, midna waa aqoon, midina waa hoggaamin. Haddii aynnu saddexdaas tiir isla helno oo ay isla jaanqaadaan faqriga iyo baryadaba weynnu ka baxaynaa.”

Madaxweynuhu isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu tilmaamayinay Somaliland haysato fursad qaali ah oo u baahan in laga faa’iidaysto,islamarkaana ay beesha caalamku si weyn ugu soo jeeddo Somaliland, xukuumadahaanna ay diyaar u yihiin inay fursaddaas uga faa’iideeyaan bulshada,  “Fursadda ay maanta Somaliland haysato labadasano ee soo socda, waa fursad haddii ay ina seegto si loo heli doono aynnaangaranaynin, iyada oo aan la ina ictiraafsanayn oo weliba qolo aynnu beri dawladwada lahaan jirney inoo hanjabayso oo ay meel walba inagala dagaallamayso,haddana Ilaahay wuxuu qaddaray maanta in caalamku Somaliland usoo jeedo, cidkasta Bari iyo Galbeed wax Allah iyo wixii lacag lahaa maanta way inoo soojeedaan, haddaynaan ganacsatadeedan, aqoonyahankeenna iyo dawladdeennuarrintaas ka faa’iidayn taariikhdu ina saamixi maysa’e ogaada inteenna maantaxilka haysaay, annaguna xaggayaga diyaar baannu ka nahay” ayuu yidhi madaxweyneMuuse Biixi Cabdi.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii oo booqday ganacsada carwada ka qaybgalay kadib markii uu xadhiga ka jaraya Carwadii sideedaad ee ganacsiga oo laga furay Hargeysa 9 Dec, 2018. Photo by, Araweelo News Network

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu farriin u diray cid kasta oo laf-dhabar u ah horumarka qaranka, isaga oo caddeeyey in xukuumad ahaan ay doorkooda ka qaataan ka midho-dhalinta himilada horumarineed ee qaranku leeyahay, waxana uu yidhi, “Farriintaydu waa qaybta dhaqaalaha xorta ah, aqoonyahanka iyo xukuumadda saddexdaba masuuliyad baa ina saaran, annaga xukuumad ahaan taayada Ilaahay nooma xilqarin oo Labaatan jir Mudug jooga Alle uma xilqarin, diyaarna waannu nahay waayo-araggeedana waannu nahay, labada qaybood ee kalena waxannu doonaynaa inay hawsha nala soo galaan oo aynnu ka wada shaqaynno.”ayuu yidhi, Madaxweyne Muuse Biixi.

Arraale Jama: Arraale Mohamoud Jama is a 20 year experience as a professional Journalist and human rights activist Over the years, worked for the major News Papers in Somaliland as a reporter, editor and contributor. 2008 established website Araweelo News Network, he currently runs a web site based in Somaliland. who is the specializes in the investigation and reporting on issues relating to human rights, democracy, and good governance. contact: Info@araweelonews.com jaamac132@gmail.com + 252 63 442 5380 + 252 63 4764409 + 252 63 442 5380
Related Post