X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Soo Dhowayn Ballaadhan Kala Kulmay Dadweynaha Boorama Iyo Deegaanka Dilla

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa si ballaadhan loogu soo dhoweeyay Magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kadib markii uรป xalay ku dhaxay Magaalada Gebilay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Iyo guddoomiyaha Jaamacadda Camuud ee Boorama

Madaxweynaha, ayaa markii uu gaadhay Magaalada Dilla dadweynaha deegaankaa oo sugayay soo dhowaynta Madaxweynaha Iyo wefdigiisa, waxa ay ku qaabileen farxad iyo damaashaad, kuwaas oo ruxayay caleemo qoyan, Isla markaana ku sugayay. Wadooyinka.

Wefdiga Madaxweyna oo ku hakaday magaalada, wuxuu Madaxweynuhu fagaare kala hadlay dadkii soo dhoweeyay, isagoo uga mahad celiyay sida ay dareenkooda ugu muujiyeen ee usoo dhoweeyeen.

Madaxweynaha, ayaa markaa kadib u gudbay dhinaca Magaalada Boorama, iyadoo dadweynaha Magaalada Boorame si ballaadhan usoo dhoweeyeen Madaxweynaha iyo wefdigiisa, iyadoo Madaxweynuhu kormeeray halka ay marayso dhismaha Buundada (Bridge) Cusub ee isku xidhaysa Jaamacadda Cammuud iyo magaalada Booramauu oo uu hore u dhagax-dhigay.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Bixii Cabdi oo xiligana ah Guddoomiyaha Xisbiga, wuxuu ka qaygelayaai shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, kaas oo loo qorsheeyay inuu ka furmo Magaalada Boorama maalinta Axada ee beri oo 25 February 2019.

Dhinaca kale Ergooyin ka kala yimi gobolada dalka, ayaa ku qul-qulaya magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal, kuwaas oo ka qaybgelaya shirka golaha dhexe ee Xisbiga KULMIYE, iyadoo si weyn looga dareemayo dhaq-dhaqaaqa shirka.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post