X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Socdaal Gaaban Oo Temeshle Ah Ku Tegey Goobo Bariga Caasimadda Hargeysa Ah

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa habeennimadii xalay socdaal gaaban oo temeshle ah ku maray goobo ka mid ah magalaada Hargeysa.

Socdaalka Madaxweynaha oo ahaa mid aannay saxaafadu ka warqabin, waxa Qoraal kooban oo kasoo baxay Qasriga Madaxtooyadda lagu sifeeyey mid kormeer ah, kaasoo xalay oo taariikhdu ahayd 15-03-2019, Madaxweynuhu ku kormeeray dhismaha waddooyinka degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge oo sida lagu sheegay qoraalka madaxweynuhu hore amar ugu bixiyey in dib-u-dhis iyo casriyeyn lagu sameeyo, wakhtiganna gacanta lagu hayo iyadoo qaybo badan oo kamid ahna la dhisay.

Madaxweynaha, ayaa markaa kadib la caweeyey qaarka mida shacbiga ku dhaqan caasimada, kuwaasoo isugu jiray madaxda dhaqanka, culimo, dhallinyaro iyo aqoonyahan ku sugnaa wakhtigaasi Hotel Golden ee dhinaca Bariga Magaalada Hargeysa.

Socdaalka gaaban ee madaxweynaha, waxa ku weheliyay sida lagu sheegay qoraalka Wasiirka gaadiidka iyo horumarinta jidadka, Mudane Cabdilaahi Abokor Cismaan, Gudoomiye ku xigeenka labaad ee xisbi xaakimka Kulmiye, Mudane Axmed Cabdi Xuseen (Axmed Cabdi Dheere) iyo taliyaha ciidanka ilaaladda Madaxtooyadda, General Cabdirisaaq Maxamuud Yuusuf Af-guduud.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, a platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post