X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Safar Kedis Ah Ugu Baxay Dalka Imaaraadka

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Safar ugu baxay Dalka Imaaraadka 9 March 2019.

Hargeysa(ANN)–Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar aan hore loo shaacin ugu baxay Dalka Imaaraadka Carabta.

Sidaana waxa lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay qasriga Madaxtooyadda oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Networ, kaasoo u qornaa sidan:-

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Safar ugu baxay Dalka Imaaraadka 9 March 2019.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta safar shaqo ugu ambo-baxay dalka isu-tagga Imaaaraadka Carabta oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen, una soo diray diyaar khaasa.

Madaxweynaha oo ay safarkiisa ku wehelinayaan wasiirrada wasaaradaha Macdanta iyo Tamarta, Diinta iyo Awqaafta, Ganacsiga Wershedaha iyo Dalxiiska, Mudane Jaamac Maxamuud Cigaal, Mudane Khaliil Cabdilaahi Axmed iyo Maxamuud Xasan Sacad oo isagu kaga sii horeeya weftiga imaaraadka, ayaa dalka Imaaraadka ugu baxay marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda isu-tagga Imaaraadka Carabta ka heleen, waxana uu safarkoodan oo ah mid shaqo uu qaadan doonaa muddo maalmood ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo Safar ugu baxay Dalka Imaaraadka 9 March 2019.

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa warbaahinta uga xog-warramay ujeeddada uu salka ku hayo safarka ay madaxweynaha iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka imaaraadka carabta, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“ Waxa uu safarka madaxweynuhu salka ku hayaa xoojinta xidhiidhka soo jireenka ah ee ka dhexeeya waddamada Imaaraadka carabta iyo Jamhuuriyadda Somaliland oo wadaaga xidhiidh siyaasadeed iyo mid ganacsi, islamarkaana ay ka dhexeeyaan hawlo horumarineed oo aad u waaweyni, waxaana uu dardargelin doonaa xidhiidhka labada dal.”

Diyoaaradda khaaska ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ugu safray Dalka Imaaraadka 9 March 2019.

Safarka madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo weftiga uu hoggaaminayaa ugu ambo-baxeen dalka isu-tagga Imaaraadka carabta, ayaa ah kii labaad ee uu dalkaas ku tago tan iyo intii uu hoggaanka dalka qabtay.

Wa-bilaahi Tawfiiq

                Naasir Yuusuf Daahir

Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post