X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Xubnaha Guddida Doorashooyinka Qaranka

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah maanta xafiiskiisa kula yeeshay xubnaha guddida komishanka doorashooyinka qaranka Somaliland.

Kulanka uu madaxweynuhu la yeeshay xubnaha guddida doorashooyinka qaranka oo uu ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo salka ku haya dardar-gelinta hawlaha doorashooyinka ee dalka kusoo foolka leh, dhammaystirka caqabadaha jira, iyo sidii xukuumad iyo komishanba isku-duubni loogu diyaar garoobi lahaa doorashooyinkaas.

Xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa madaxweynaha uga war-bixiyey halka ay hawlahoodu marayaan iyo horumarka ay ku tallaabsadeen, iyaga oo madaxweynaha uga mahad-celiyey muhiimadda gaarka ah ee uu hawlaha doorashooyinka siinayo iyo sida ay madaxweyne ahaan uga go’an tahay inaanay doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose dib uga dhicin waqtiga ay qorshaysan yihiin.

Sidoo kale, xubnaha guddida doorashooyinka qaranku waxa ay madaxweynaha u xaqiijiyeen inay ku rajo weyn yihiin in doorashooyinka wakiillada iyo dawladaha hoose ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, maadaama oo ay haystaan taageerada madaxweynaha qaranka, isla markaana ay qaadhaan-bixiyayaasha Somaliland ka taageera dhinaca doorashooyinka wixii dhinacooda kaga aaddan qabsoomidda doorashooyinkaas.

Madaxweynaha, ayaa dhinaciisa uga mahadnaqay xubnaha doorashooyinka dedaalka ay wadaan, waxaana uu hortooda ka caddeeyey inay madaxweyne ahaan ka go’an tahay sidii ay doorashooyinka dalka kusoo foolka leh waqtigooda uga qabsoomi lahaayeen, isla markaana uu diyaar la yahay wixii dhinaciisa looga baahdo si ay doorashooyinkaasi u qabsoomi lahaayeen.

Kulankan oo daba socday kulamo hore oo madaxweynuhu la yeesho xubnaha guddida doorashooyinka qaranka, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana ay labada dhinac isla garteen in wada-jir looga shaqeeyo sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu u qabsoomi lahaayeen xilligii loo asteeyey.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post