X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan La Qaatay Wefti Ka Socda Dalka Jarmalka Iyo Arrimaha Laga Wada Hadlay

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ballaadhan oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka  Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Markus Bollmohr.

 

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland maanta, ayaa lagaga wada-hadlay arrimo door ah oo ku saabsan xidhiidhka labada dal u dhexeeya iyo sidii ay dawladda Jarmalku kaalin muuqata uga qaadan lahayd horumarka ay xukuumaddu waddo iyo qorsheyaasha mustaqbalka soo socda.

 

Af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, ayaa natiijada kulanka uu madaxweynuhu la qaatay weftiga ka socda dalka Jarmalka faah-faahin kooban ka bixiyey, waxaana uu sheegay inuu madaxweynuhu weftiga ka codsaday inay gacan ka geystaan xaalado door ah oo Somaliland ku gedaaman, kuwaas oo ay ugu horreeyaan abaaraha gobollo dalka ah kasoo cusboonaaday iyo sidii ay dawladda Jarmalku gacan ugu geysan lahayd inay caasimadda Hargeysa hesho biyo ku filan, waxaana uu yidhi, “Madaxweynuhu waxa uu u bandhigay  weftiga Barnaamijka horumarineed ee xukuumadda, waxaana uu ka codsaday inay xukuumadda gacan ka siiyaan gurmadka iyo gargaarka abaaraha kasoo cusboonaaday gobollo dalka kamid ah, mashruuca biyo balaadhinta Geed-deeble oo ay qayb ka yihiin ay dedejiyaan, isla markaana ay qayb ka noqdaan hirgelinta qorshaha labaad ee qaran ee shanta sano ee soo socota (NDPII),  iyo Inay dib u hawlgeliyaan Dugsiyadii farsamada gacanta ee dalka, gaar ahaan dugsigii farsamada gacanta ee gobolka Togdheer.”

 

Afhayeenka madaxweynuhu waxa uu sheegay inuu sidoo kale madaxweynuhu kulankaas weftiga kaga codsaday inay gacan ka geystaan wada-hadallada ay Somaliland kula jirto dhiggeeda Soomaaliya, isaga oo ku wargeliyey inay xukuumad ahaan ka go’an tahay sidii ay sanadka soo socda ee 2019-ka u qabsoomi lahaayeen doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiilladu.

 

Dhinacooda weftiga safiirku waxa ay madaxweynaha ku hambalyeeyeen hawlaha horumarineed ee xukuumaddu waddo, waxaana ay soo dhaweeyeen dhammaanba arrimaha  uu madaxweynuhu kala hadlay.

 

Safiirka dalka Jarmalka u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador  Markus Bollmohr, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan diyaariyeen qorshe ballaadhan oo lagu horumarinayo adeegyada aas-aasiga ah ee arrimaha bulshada sida Caafimaadka, waxbarashada, Biyaha, Xoolaha iyo waddooyinka, gaar ahaan waddada isku xidha magaalo-ganacsiyeedka Wajaale iyo caasimadda Hargeysa, taas oo ahmiyad weyn u leh isu socodka ganacsiga dalalka Somaliland iyo Ethiopia, xafiiska  ay Somaliland ku leeyihiin ee GIZ-na ay ballaadhin doonaan.

 

Madaxweynaha waxa kulankan ku wehelinayey madaxweyne-ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wasiirka arrimaha dibadda Dr. Sacad Cali Shire.

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland
admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post