X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Kula Qaatay Qasriga Madaxtooyadda Wefti Ka Socda Dalka Ingiriiska

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabilay wefti ka socda dalka Ingiriiska oo uu hoggaaminayo safiirka waddanka Ingiriiska u qaabilsan dalalka dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, wuxuu madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ugu horrayn safiirka iyo weftigiisa ugaga mahadnaqay doorka muuqda ee uu dalka Ingiriisku ka qaato horumarka Jamhuuriyadda Somaliland iyo taageerada dhinacyada kala duwan leh ee sida joogtada ah ula garab taagan yihiin.

Sidoo kale, madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu weftiga uga warramay horumarka iyo guulaha ay Jamhuuriyadda Somaliland gaadhay iyo qorsheyaasha udub-dhexaadka ah ee ay mustaqbalka higsanayso, isaga oo si gaar ah carrabka ugu ballaadhiyey qorshaha labaad ee horumarinta qaranka (SNDPII) oo safka hore kaga jira hiigsiga xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa sidoo kale ku wargeliyey xubnaha weftiga, in xukuumadda uu gadh-wadeenka ka yahay ay ka go’an tahay sidii doorashooyinka goleyaasha deegaanka iyo wakiillada ee sanadka soo socda qorshaysani waqtigooda ku dhacaan, isla-maraana aanu ku imanin wax dib-u-dhac ahi, isaga oo shaaca ka qaaday in wada hadaladii ay Jamhuuriyadda Somaliland la lahayd dhiggeeda Soomaaliya ay hakad geliyeen, sababo la xidhiidha gardarrada ay Soomaaliya ku hayso horumarka Somaliland.

Dhankiisa, safiirka dalka Ingiriiska u qaabilsan waddamada Somaliland iyo Soomaaliya, Ambassador David Concar oo isagu weftiga hoggaaminayey, ayaa madaxweynaha ku bogaadiyey guulaha Dimuqraaddiyadu hagayso ee ay Somaliland ku tallaabsatay, waxaana uu hoosta ka xarriiqay inay dawlad ahaan majeeranayaan dariiqa loo maray doorashooyinka xorta iyo xalaasha ah ee Somaliland ku caano maashay.

Safiirku sidoo kale, waxa uu madaxweynaha u caddeeyey in dawladda UK ay diyaar u tahay inay Somaliland ku garab istaagto horumarka, isla markaana ay kordhin doonaan kaalmooyinka dhaqaale ee ay ku taageeraan,” ayaa lagu yidhi war-saxaafadeed kasoo baxay kulankaa kadib oo soo gaadhay shebekada Araweelo News Network.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post