X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Kulan Gaar Ah La Qaatay Labada Guddoomiye Ee Xisbiyada Mucaaradka UCID Iyo WADDANI

Araweelo News Network

Somaliland President Muse Bihi meets leaders of two opposition parties

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan gaar ah xarunta qasriga madaxtooyada kula yeeshay maanta Gudoomiyeyaasha labada xisbi-mucaarid ee WADDANI iyo UCID, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) iyo Eng. Faysal Cali Xuseen (Faysal Cali Waraabe), waxaana kulanka goob-joog ka ahaa Madaxweyne ku xigeenka, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), wasiirka arrimaha gudaha Somaliland, Mudane Maxamed Kaahin Axmed iyo siyaasi Cabdicasiis Maxamed Samaale oo katirsan xisbiga KULMIYE.

Kulankan oo ahaa mid daba socday kulamo hore oo ay wada yeesheen asxaabta mucaarid iyo madaxweynuhu, salkana loogu dhigayey sidii mucaarid iyo muxaafidba danta guud meel loogaga soo wada-jeedsan lahaa, ayaa lagaga arrinsaday arrimo door ah oo ay ugu horrayso nabadgelyada dalka, gudo iyo dibedba, in indho dheeraad ah loo yeesho lagana wada shaqeeyo mucaarad, xukuumad iyo shacbiba.

Waxyaabaha kale ee kulankan diiradda lagu saaray, ayaa waxa kamid ahaa sidii wada-jir loogaga wada-shaqayn lahaa in aanay doorashadooyinka sanadaha soo socda dalka ka astaysani dhaafin waqtigii loo qoondeeyey, xil weynna la iskaga saari lahaa qabsoomidoodda, iyo ka wada-shaqaynta arrimaha la xidhiidha abaaraha kasoo cusboonaaday gobollo dalka kamid ahna si weyna la isula gorfeeyey.

Kulankan, ayaa kusoo dhammaaday jawi is af-garad, waxaana ay madaxweynaha iyo guddoomiyeyaasha labada xisbi qaran isla garteen in muhiimad gaar ah la siiyo danta guud ee qaranka, isla markaana meel looga soo wada jeedo.

Labada Guddoomiye Xisbi ee Mucaaradka Somaliland.

Halkan Ka Daawo Kulanka Madaxweynaha Iyo Labada Guddoomiye ee axsaabta Mucaaradka Somaliland

 

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post