X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Gaadhay Magaalada Berbera

Booqashada Madaxweynaha ee Berbera

 

Berbera(ANN()-Madaxweynaha Jamhuuriyaddda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo wefdi ballaadhan oo uu hoggaaminayo, ayaa safar shaqo ku gaadhay magaalo madaxda gobolka Saaxil ee Berbera, waxana halkaas kusoo dhaweeyey shacabka ku dhaqan magaalada Berbera iyo nawaaxigeeda.

Wefdiga uu hoggaaminayo madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo ay xubno ka yihiin wasiirrada wasaaradaha Gaashaandhigga, Mudane Ciise Axmed Yuusuf, Horumarinta Beeraha, Mudane Axmed Muumin Seed, iyo Diinta iyo Awqaafta, Sheekh Khaliil Cabdilaahi Axmed, Caafimaadka, Dr. Xasan Ismaaciil Yuusuf, guddoomiye-ku-xigeenka saddexaad ee xisbiga KULMIYE, Xuseen Aadan Cadde, iyo siyaasiyiin milgo iyo miisaan leh oo ay kamid yihiin, Ambassador Cawil Cali Ducaale, Farxaan Aadan Haybe, xildhibaanno iyo xubno kale oo xukuumadda ka tirsan.

Madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo, ayaa ugu horrayn waxa si weyn loogu soo dhaweeyey dhammaanba deegaannada u dhexeeya magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay taagnaayeen dadweyne caleemo qoyan iyo calanka Jamhuuriyadda Somaliland lulaya, isla markaana muujinaya taageerada laxaadka leh ee ay u hayaan hoggaaminta madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Maamulka gobolka Saaxil iyo degmada Berbera iyo shacabweyne tiro badan oo ku dhaqan magaalada Berbera, ayaa madaxweynaha iyo wefdigiisa kaga horyimi duleedka Galbeed ee magaalada, halkaas oo uu madaxweynuhu shacabka kula qaatay socod lug ah oo masaafad dheer ah.

Ujeeddada Safarka madaxweynaha iyo wefdiga uu hoggaaminayo waxa warbaahinta uga warramay af-hayeenka madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamuud Warsame Jaamac, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi,“Wefdiga madaxweynaha iyo safarkiisu waxa uu daarran yahay inuu u kuurgalo xaaladaha kala duwan ee deegaannadan iyo gobolkan ka jira, sidoo kalena waxa uu madaxweynuhu dersayaa dedaalka horumarineed ee ay xukuumaddiisu guud ahaan deegaannada Somaliland, gaar ahaanna deegaankan aynnu saaka joogno, waxa uu sidoo kale dardargelin doonaa hawlihii horumarineed ee halkan ka socday.”

Af-hayeenku waxa uu maamulka gobolka Saaxil iyo guud ahaanba shacabka ku dhaqan gobolka iyo deegaannada hoos yimaadda uga mahadceliyey sida hagar la’aanta ah ee ay usoo dhaweeyeen madaxweynaha iyo weftigiisa, uguna heellan yihiin waxqabadka xukuumadda talada haysa.

Wa-bilaahi Tawfiiq

Naasir Yuusuf Daahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post