X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo Daah-furay Shirka Lixaad Ee Golaha Dhexe Ee Xisbiga,Wufuud Caalami Ah Oo Ka Qaybgashay

Boorama(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,isla markaana ah guddoomiyaha xisbiga KULMIYE, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa si rasmi ah u furay shirkii lixaad ee golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE , oo maanta ka furmay magaalada Boorama ee xarunta gobolka Awdal.

Shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE , wax sidoo kale ka qaybgalay Madaxweyne-ku-xigeenka, ahna guddoomiye-ku-xigeenka Afraad ee xisbiga KULMIYE, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), shir-guddoonka golaha wakiillada Somaliland, hoggaanka sare ee xisbiga KULMIYE, wufuud caalami ah oo ka kala socota dalalka Turkiga, Djibouti iyo Ethiopia, xubno ka socda axsaabta mucaaridka, ergooyin xubnaha golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE oo ka kala yimi gobollada iyo degmooyinka dalka, salaadiin iyo marti-sharaf kale, waxana madasha laga jeediyey hadallo salka ku saabsan Dimuqraaddiyadda xisbiga KULMIYE iyo horumarka uu Jamhuuriyadda Somaliland gaadhsiiyey muddadii ay xilalka qaranka u kala dambeeyeen hoggaankiisu.

Xubno isugu jira siyaasiyiin, madax-dhaqameed iyo haldoor kale oo madasha ku sugnaa oo hadallo ka jeediyey shirka golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa si weyn u ammaanay Dimuqraaddiyada iyo furfurnaanta ka muuqata xisbiga KULMIYE, waxana ay hoggaankiisa ku ammaaneen sida ay u ilaalinayaan inaanay marnaba muddo-dhaafin shirarka xisbigu.

Guddoomiye-ku-xigeenka golaha dhexe, ahna ku-simaha guddoomiyaha, xildhibaan Jaamac Warfaa oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa si kooban u sharraxay guulihii uu gaadhay xisbiga KULMIYE iyo sida ay xisbi ahaan u ilaaliyaan inay shirarka xisbiga ee kala duwani ku qabsoomaan xilliyadooda.

Xuseen Idiris Guuleed oo kamid ah golaha fulinta ee xisbiga talada dalka Jabuuti haya ee RPP oo ugu horrayn madasha ka hadlay, ayaa hoosta ka xarriiqay in xisbiga KULMIYE mudan yahay in duruus dhinaca Dimuqraaddiyadda ah laga barto, isla markaana furfurnaanta iyo isu tanaasulka ka muuqdaa yahay wax ku cusub qaaradda Afrika.

Murrashaxii jagada madaxweyne-ku-xigeen ee xisbiga UCID, Mudane Axmed Cabdi Muuse (Abyan) oo kamid ahaa marti-sharaftii shirka lagu casuumay, ayaa dhinaciisa hoggaanka xisbiga KULMIYE ku bogaadiyey sida ay isugu xidhan yihiin xisbiga iyo xukuumaddu, taas oo uu ku tilmaamay inay fure u tahay horumarka xukuumadda.

Suldaan Ibraahim Jaamac Samatar, Suldaan Cabdiraxmaan Jaamac Dhawal, iyo Suldaan Xasan Xaddi Baade oo kamid ah madax-dhaqameedka ugu miisaanka culus ee gobolka Awdal, ayaa si isku mid ah u hambalyeeyey guulaha taariikhiga ah ee ay dalka gaadhsiiyeen xukuumadihii kala dambeeyey ee xisbiga KULMIYE kasoo baxay, waxana ay sheegeen inay madax-dhaqameed ahaan diyaar u yihiin la shaqaynta xukuumadda iyo xisbigaba.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post