X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaabilay Wefti Ka Socda Dalka Norway

Araweelo News Network

WAR-SAXAAFADEED

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa maanta xafiiskiisa ku qaabiley wefti uu hoggaaminayey, ergeyga gaarka ah ee Norway u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya, Mr. Webjorn Heines.

Kulankan oo ka qabsoomay xarunta qasriga madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagaga wada hadlay sidii dalka Norway uu qayb uga qaadan lahaa kana taageeri lahaa Somaliland, arrimaha maalgashiga, doorashooyinka wakiillada, iyo goleyaasha degaanka, sidii ay Norway u kordhin lahayd dhaqaalaha kaga qaybgasho sanduuqa horumarinta dhaqaalaha Somaliland ee (SDF) iyo sidii ay qayb uga qaadan lahayd hirgelinta qorshaha labaad ee horumarinta Somaliland (NDPII) ee shanta sano ee soo socota.

Waxa kale oo laga wada hadlay sidii loo horumarin lahaa mashruuca maamul daadejinta dawladaha hoose ee horumarinta dhaqaalaha dalka, iyo sidii looga wada shaqayn lahaa xoojinta caddaalada, iyada oo wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliy-na la isla soo qaaday.

Ergayga Norway u qaabilsan dalalka Somaliland iyo Soomaaliya Ambassador Webjorn Heines, ayaa dhankiisa ballan qaaday inay dawladdiisu diyaar la tahay fulinta waxyaabaha ay labada dhinac ka wada-hadleen, isla markaana ay kor u qaadi doonaan xidhiidhka ka dhexeeya Somaliland iyo dalka Norway.

ALLAA MAHAD LEH

Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post