X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Qaabilay Ganacsato U Dhash Dalka China Oo Doonaya In Ay Maal-gashadaan Dalka

Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula yeeshay wefti ganacsato Jayniis ah, oo doonaya inay Somaliland maalgashadaan.


Ganacsatadan oo ka socotay shirkad balaadhan oo lagu magacaabo Richway Greenergy oo ka shaqaysa dhalinta korontada iyo biyaha ayaa sheegay inay danaynayaan inay maalgashadaan Somaliland, iyaga oo Madaxweyne ku xigeenkana ka hadlay daraasado ku aadan maalgashigaasi oo ay wadaan.

Wasiir ku xigeenka Wasaarada warshadaha Somaliland Mudane Yuusuf Cismaan Garas oo Madaxweyne ku xigeenka kulankaasi ku wehelinayey ayaa ka hadlay muhiima shirkaasi waxaanu yidhi “Maanta waxa Madaxweyne ku xigeenka Somaliland uu la kulmay wefti aanu keenay oo ka socday China gaar ahaan shirkadaha dalkaasi ee gaarka loo leeyahay shirkadaas oo la yidhaahdo Richway Greenergy waa shirkad dunida maal gashi fiican ku samaysay dalal fara badan oo dunida ah ayay mashaariic ku leeyihiin, waftiga waxa hogaaminaayay guddomiyaha shirkadaasi Oliver Liu waa shirkado isu tagay oo haysta maalgalin gaadhaysa 50 Malyuun oo dollar, hadii ay ku qancaan daraasada ay ka wadaan Somaliland oo laba meelood ah biyaha iyo laydhka, waxay aad u danaynayaan inay laydh ka dhaliyaan khashinka iyo in ay biyaha laydh ka dhaliyaan taas oo ay bilaabeenba, dhuxul dhagaxda ayay iyadana darasad ka wadaan.

Madaxwayne ku-xigeenka waxa ay waftigani kala hadleen sidii ay maalgashigoodu damaanad u heli lahaa, madaxwayne ku-xigeenkuna waxa uu sheegay in dalka ay joogaan shirkado caalami ah oo ay DP WORLD iyo Coca-Cola ka mid yihiin maal-gashigooduna uu damaanad heli doonto.”

Xafiiska Afhayeenka iyo Warbaahinta Madaxtooyada JSL

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post