X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Oo Kasoo Laabtay Kadib Safar Uu Ugu Maqnaa Dalalka Ingiriiska Iyo Belgium

Madaxweyne ku-xigeenka JamhuuriyaddaSomaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo oo dalka kusoo laabtay 10 Dec 2018.

Hargeysa((ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka JamhuuriyaddaSomaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) iyo wafdi uu hoggaaminaayo  ayaa maanta dalka dib ugusoo laabtay kadib socdaal shaqo oo uu ugu maqnaa wadamada Ingiriiska iyo Belgium waxaana gegida diyaaradaha kusoo dhaweeyay, Maayar ku xigeenkaCaasimada, Wasiiro, Agaasimaha Madaxtooyada masuuliyiin kale oo ka tirsanxukuumadda Somaliland, madaxda-dhaqanka iyo siyaasiyiin.

Madaxweyne ku-xigeenka ayaa wadamada uu maray kula kulmaymasuuliyiinta baarlamanka ee UK iyo Belguim, waxaanu kala hadlay cilaaqaadka aywadamadaasi la leeyihiin Jamhuuriyadda Somaliland.

Wasiirka Deegaanka iyo horumarinta reer Miyiga Marwo Shukri XaajiIsmaaciil Baandare oo qayb ka ahayd wafdiga madaxweyne ku-xigeenka ayaasheegtay in baarlamanka Uk iyo ka guud ee midawga yurub-ba ay isla soo qaateensidii loosii laban laabi lahaa xidhiidhka Somaliland iyo qaaradda yurub, sidookale waxa halkaasi ka hadlay Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, MudaneMaxamuud warsame Jaamac, maayar ku xigeenka Caasimada, Cabdicasiis MaxamedXaashi oo madaxweyne ku xigeenka ku soo dhaweeyey halkaasi.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo a waramaya midhaha socdaalkiisa qaarada yurub ayaa yidhi “Aad baan ugu faraxsanahay in aan maanta dalka dib ugu soo laabto, waxaan socdaal shaqo ugu baxnay dalalka Ingiriiska iyo Belgium waxaanu halkaas nagu qaabilay masuuliyiin ka tirsan dawladahaas iyo xildhibaanadda baarlamaanka, waxaanu qoraal ugu gudbinay danahayagii, aad ayayna noosoo dhaweeyeen, waxa ay na tuseen waji wanaagsan oo aanu xidhiidh qoto dheer ku yeelan karno, waxaanu isla soo meel dhignay xidhiidh cusub oo dhex mara midawga yurub iyo Somaliland” ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

Socdaalkan madaxweyne ku-xigeenka ayaa noqonaya safarkiisii shaqo ee ugu horeeyay ee uu ugu baxo wadamada yurub tan iyo markii dib loogu doortay madaxweyne ku-xigeenka Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post