X

Somaliland: Madaxweyne ku-xigeenka Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Cusub Ee Ballaadhinta Dekedda Berbera

muuqaalkii qandaraaska lagu siiyay shirkadda ballaadhinay Dekedda.

 

Berbera(ANN)-Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa maanta dhagax dhigay dhismaha cusub ee ballaadhinta dekedda iyo Free Zone-ka Berbera.

Munaasibad ballaadhan oo loo qabtay xaflaadaasi dhagax-dhigga ah ayaa waxa goob-joog ka ahaa Wasiiro, Xildhibaano, Madax-dhaqameed iyo marti sharaf kale ka timid dalalka jaarka iyo waddo kale oo lagu soo casuumay munaasibadaasi.

Maareeyaha dekeda berbera Siciid Xasan Cabdilaahi oo munaasibadaasi furay ayaa ka xog waramay halka ay marayso shaqada ballaadhinta dekedu iyo guud ahaan horumarka ay ku talaabsatay dekeda berbera.

Agaasimaha Maamulka iyo qorshaynta shirkadda DP WORLD Sheekh Cadnaan Al-cabaad oo ka hadlay Munaasibadaa ayaa sheegay in DP WORLD wax-qabad la taaban karro ay ka fulisay Dekeda weyn ee Berbera iyo guud ahaan gobolka saaxil, waxa uu sheegay agaasimuhu in DP WORLD aanay ku mashquulsanayn kaliya Dekeda balse ay qayb laxaadleh ka qaadanayaan adeegyada gaarka ah ee bulshada gaar ahaan waxbarshada, biyaha iyo caafimaadka oo uu sheegay inay door muuqata ka qaataan horumatintooda.

Madaxweyne ku-xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan Cabdilaahi Saylici oo isna khudbad dheer munaasibadaasi ka jeediyay ayaa sheegay in xukuumadda Somaliland dadaal dheer ugu jirto sidii Somaliland loo maal-gashan lahaa, islamarkaana waxa uu madaxweyne ku-xigeenku ugu baaqay guud ahaan bulshada reer Somaliland inay si weyn usoo dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa waxaana kamid ahaa hadaladii madaxweyne ku-xigeenka “Maanta waa maalin qiimo leh, aad baan ugu faraxsanahay in hawshan weyn aynu bilawno, xukuumadu dadaal ayay ugu jirtaa sidii aynu u heli lahayn cid dalkeena maal-gashi ku samaysa, maanta waxaanu halkana u joognaa ballaadhintii dekedda, aad baan ugu mahadcelinayaa shirkadda DP WORLD, waxaan rajaynayaa in dekeda iyo madaarkuba bilaw wanaagsan u noqon doonaan horumarka Somaliland, waxaan ugu baaqayaa guud ahaan bulshada reer Somaliland gaar ahaana bulshada reer Saaxil inay la shaqeeyaan soona dhaweeyaan cid kasta oo dalkani maal-gashanaysa”ayuu yidhi Madaxweyne ku-xigeenka jamhuuriyadda Somaliland.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post