X

Somaliland: Madaxweyne Kow iyo Tobban Bilood kaddib Maxaad Ka Tegeysaa ? Xisbiga WADDANI

Araweelo News Network.

Xoghayaha Xisbiga Mucaaradka Ee Waddani Oo Dhaliilo U Jeediyay Madaxweyne Biixi iyo Xukuumaddiisa

Hargeysa(ANN)-Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI, ayaa si weyn u dhaliilay siyaasada iyo hoggaamintya Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi.

Xoghayaha guud ee xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa dhaliiay siyaasada iyo qaabka Madaxweyne Biixi u jaan-gooyay horumarka iyo ganacsiga dalka.

Sidoo kale, xoghayaha xisbiga WADDANI, Khadar, wuxuu dhaliilo culus u jeediyay wasaaradda Isgaadhsiinta iyo Tignoolajiyadda Somaliland, taas oo sida uu sheegay aan ka turjumayn qaabkii dhinaca Tignoolajiga lagu horumarin lahaa dalka.


“Waxaa wax lala yaabo ah in wasaaraddeena Isgaadhsiinta iyo Tegnoolajiyaddu ku faanto in ay horumarka ka shaqaynayso, waxaynuna ognahay in ay cunnaha hayso horumarka ay samayn lahaayeen shirkaddaha Isgaadhsiintu.” Ayuu yidhi.


Xoghaye Khadar oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Hargeysa, wuxuu yidhi, “ Afartii sanadood ee madaxweyne Muuse, xilka hayay wasaaraddu waxay cunnaha haysay shirkaddihii ka shaqayn lahaa horumarka Tegnoolajiga ee Somaliland.”

Wuxuu sheegay in shirkaddaha ugu waaweyn ee dalka sida Dahabshiil iyo Telesom loo diiday in ay dalka keenaan xadhiga Badda mara ee Internetka (Fiber-Optic Cable).

Xoghaye Khadar, ayaa sheegay in wax lalayaabo ay tahay in Somaliland oo ku taal dal ku yaal bogcad Istiraatiiji ah ay Ethiopia oo aan lahayn Bad kasoo qaadato Internet.

Sidoo kale, wuxuu sheegay in aannay Somaliland ka faa’isaysan Istiraatiijiyada juquraafi ahaan ay ku taal Somaliland, wuxuuna tusaale usoo qaatay dalka Soomaaliya oo xadhkaha Badda ee Internetka (Fiber-Optic Cable) soo gaadheen ugu yaraan laba xadhig kuwo kalena ay usoo socdaan, ma garanayo waxa loogu diiday shirkaddaha in ay keenaan xadhkaha Internetka.

Xoghayaha Xsbiga WADDANI, Khadar, wuxuu calaamatu su’aal geliyay 11 bilood kaddib sida uu sheegay oo ka hadhay muddadii shanta sannadood ee ahayd ee la doortay Madaxweyne Biixi, waxa uu uga tegeyo bulshadda ee taariikhda u gelaya.

Arrimahaa iyo kuwo kale ayuu xoghaye Khadar kaga hadlay muuqaalkan hoose

Daawo hadalka Xoghayaha WADDANI.

https://youtu.be/za8DFzUW0-0

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post