X

Somaliland: Madaxweyne Dib U Magcaabay Masuuliyiin Gollaha Wakiilladu Ku Celiyeen

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Image file Araweelo News Network, December 2020

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa aqbalay soo jeedinta gollaha wakiilladu maanta dib ugu celiyeen masuuliyiinta mudda dhaafka ah ee Xukuumaddiisa.

Masuuliyintaa oo Madaxweynuhu magcaabay 2 September 2021, ayaa saaka la horgeeyay fadhigii gollaha wakiillada ee uu guddoominayay Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif, waxaana sabab looga dhigay in ay dhaafeen muddada Dastuurku jideeyay oo ah sagaashan maalmood.

Laxidhiidha: Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Lagu Giriifay Masuuliyiinta Uu Gollaha Wakiillada U Gudbiyay

Tobban ka mid ah 14 masuu oo isugu jiray Wasiirro, wasiir ku xigeeno iyo masuuliyiin kale oo Hay’addaha Madaxa bannaan ah, waxa golluhu Madaxweynaha dib ugu celiyay si uu Dastuurka u waafajiyo.

Hase yeeshee Madaxweyne Biixi, ayaa ajiibay soo jeedinta waafaqsan Dastuurka ee gollaha wakiillada, wuxuuna saacado kaddib dib u magaacay xubnaha lagu soo celiliyay si uu mar kale ugu gudbiyo gollaha wakiillada Somaliland.

Laxidhiidha: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Bedel Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumaddiisa

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland, Saleebaan Cali Koore, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in Madaxweynuhu aqbalay soo jeedinta gollaha ee xubnaha lagu soo celiyay.

Laxidhiidha: Ambasador Baashe Awil Oo Ku Gacansaydhay Xilka Madaxweynaha Somaliland U Magcaabay

Sidaa awgeed, wuxuu sheegay in Madaxweynuhu dib u magcaabay xubnaha masuuliyiinta, kaddib markii uu yaqiinsaday in ay waajib tahay inuu aqbalo go’aanka gollaha wakiillada, sidaana dib ugu magcaabay si mar kale gollaha loo horgeeyo oo ay waajibkooda Dastuuriga ah uga gutaan.

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post