X

Somaliland Madaxweyne Cirro Oo Magcaabay Xilalka Habqanka Xukuumaddiisa

#Araweelo_News_Network

Wareegto Madaxweyne

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) oo si habqan ah u magcaabaya xilalka dhjsmaha Xukuumaddiisa ayaa  maanta oo ay taariikhdu tahay 26/12/2024  wareegto Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-016/122024 ku magacaabay La-taliyayaal Madaxweyne.

Wareegtada Madaxweynuha ayaa u dhignayd Sidan:-
Wareegto Madaxweyne

Magacaabid
Markii aan arkay: Qoddobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan tixgeliyey: Ahmiyadda ay La-taliyayaasha Madaxweynuha u leeyihiin hab-sami u socodka howlaha Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markii aan ku qancay: Aqoontooda, kartidooda, iyo waayo-aragnimadoodaba, isla markaana ay hanan karaan mas’uuliyaddaha ka dhalanaya xilalkan;

Markii aan sameeyey: La-tashi;

Waxa aan go’aamiyey;

In laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaadaan xubnahan hoos ku qoran La-taliyayaal Madaxweyne.

1 Cabdilqaadir Xaaji Ismaaciil Jirde La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Siyaasadda.

2 Dr Cabdiraxmaan Ducaale Bayle La-taliyaha Sare ee Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Dhaqaalaha.

3 Cali Maxamed Yuusuf (Guray) La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Bulshada.

4 Baar Siciid Xaaji Faarax La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Horumarinta Haweenka.

5 Xamse Cali Bulbul Ibraahim La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Warbaahinta.

ALLAA MAHAD LEH
Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro)
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post