#Araweelo _News _Network

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa markii u horaysay ka hadlay dhacdadii deegaanka Dacawaley ee deegaanka Soomaalida Ethiopia ee Kililkashanaad oo ahayd mid sababtay mashaqo weyn oo dhimasho iyo dhaawac ah.

Sidoo kale, Madaxweyne Cirro, ayaa ka hadlay mawqifka xukuumaddiisa ee siyaasadda ku waajahan gobolka, isagoo soo hadal qaaday dhacdadii Dacawaley, wuxuuna arrimahaa kaga ahdlay  mar uu maanta ka qaybgalay furitaanka tababar la xidhiidha sidii ay xubnaha cusub ee wasiirrada  xukuumaddiisu ula iman lahaayeen fahamka hawlaha hawlaha u yaal iyo qaabkii ay u wada shaqayn lahaayeen.

Madaxweyne Cabdiraxmaan maxamed cabdullaahi (Cirro) Image Araweelo News Network, kulanka tababarka gollaha wasiirrada cusub 28 Dec 2024.

 Tababar oo ka fiurmay Taliska Booliska Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka qaybgaleen gollaha Wasiirrada, wuxuu Madaxweyne Cabdiraxmaan kaga hadlay waajibaadka xukuumadda cusub laga sugayo iyo sida ay lagama maarmaanka u tahay Iskaashiga, wada-shaqaynta iyo fahanka Shaqo ee laga sugayo.

Hase yeeshee hadal koobban oo Madaxweynuhu kusoo qaaday dhacadadii Dacawaley iyo mawqifka xukuumaddaiisa kaga beegan, wuxuu yidhi, “Meel fiican ayay marayaan dadaalladii dhibaatadaa lagu soo afjarayay iyo wada hadalkii ka dhexeeyey Jamhuuriyadda Somaliland, Dawladda Federaalka Ethiopia iyo Dawlad Deegaanka Soomaalida, waxaanan ku rajo weynahay in la soo Afjaro dhibaatadaasi”

Madaxweyne Cabdiraxmaan maxamed cabdullaahi (Cirro) Image Araweelo News Network, kulanka tababarka gollaha wasiirrada cusub 28 Dec 2024.

Mar uu ka hadlayay qorshaha xukuumaddiisa Madaxweyne Cirro, wuxuu sheegay in Xukuumaddiisu tahay mid nabadeed oo doonaysa in cid walba lagula noollaado nabadgelyo, balse xukuumad ahaan ay difaacayaan qaranimada iyo jiritaanka Somaliland iyo shacbigeeda, “Waxaan u sheegayaa  shacbiga Somaliland iyo dalalka jaarka in Xukuumadda Somaliland siyaasadeedu tahay nabad, waxaanse  hoosta ka xariiqayaa in Somaliland diyaar u tahay dofaaca dadkeeda , dalkeeda iyo diinteeda.” ayuu yidhi.

 

Dhinaca kale,  Madaxweyuhuku  wuxuu booqday Cusbitaalka Hargeysa, isagoo indhihiisa kusoo arkay qaar ka mid ah dadkii ku dhaawacmay dhacdadii Dacawaley,, isagoo ka tacsoyeeyay qoysaskii ay ka dhinteen kuwa dhintay, kuwa dhaawacana Allah uga baryay caafimaad.

 

Written by Arraale M. Jama, a freelance journalist and human rights activist.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com