Madaxweyne Cirro Muxuu Ka Yidhi Xidhiidhka Somaliland, Ethiopia, Djibouti iyo Mawqufka Siyaasadeed Ee Xukuumaddiisa,?

#Araweelo_News_Network.

Hargeysa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullaahi (Cirro) ayaa ka hadlay qorshaha Xukuumaddiisa ee ku waajahan siyaasadda arrinaha dibadda iyo Aqoonsiga qadiyadda Sonaliland.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka hadlay dedaalka dublamaasiyadeed ee ka socda fagaarayaasha siyaasadda gollayaasha awoodda baddan ee Maraykanka oo lagu doonayo meel marinta Aqoonsiga qadiyada Sonaliland oo Madaxweynuhu sheegay inuu sii kordhinayo dedaalkaa, isla markaana dawladda Maraykanka kala shaqaynayo in ay xafiis ka furato Caasimadda Somaliland ee Hargeysa .

Khudbadda uu Madaxweyne Cabdiraxmaan jeediyay oo ahayd mid koobban oo farshaxan weyn iyo hal-abuurnimo ka muuqato, isla markaana xanbaarsan rajo iyo yididiilo shacbiga Somaliland u dheg- taagayeen, ayaa ahayd mid aannay nooceeda sannadihii u danbeeyay marka la eego khudbaddaha hoggaamiyaha Qaranka oo aannay maqlin dheggaha shacabku, taas oo ay ka muuqato hoggaamin siyaasadeed iyo dublamaasiyad waxayna aad uga duwanayd khudabado uu hore u jeediyay , isagoo sidoo kale kusoo qaaday siyaasaadda Xukuunadda uu hoggaaminayo ee ku waajahan xidhiidhka dalalka jaarka sida Ethiopia iyo Djibouti.

Khudbadda ayaa ahayd mid lagu Shaaciyay munaasibad Hadhimo-Sharafeed Madaxweynuhu u sameeyay Gollaha Guurtida Somalikand, isagoo dhinaca kale. kusoo qaaday arrimaha u qorshaysan  Madaxweyne ahaan ee siyaasadda arrinaha guddaha xasilinta amniga iyo weliba arrimaha Millateriga iyo  nabadaynta.

Madaxweyne Cabdiraxmaan Cirro ayaa ku bilaabay khudbadiisa sidan:-

Bismillaahi Raxmaani Raxiim:

Shir-guddoonka Gollaha Guurtida oo uu Odayga u yahay Xaaji Saleebaan, Xildhibaannada Gollaha Guurtida, Wasiirada Xukuumadda iyo guud ahaan mas’uuliyiinta kala duwan, Asalaamu Calaykum Wa raxmatullaah.

Farxad weyn bay ii tahay in aan maanta Gollaha Guurtida oo ah Golaha Koowaad ee Qaranku halkan isugu nimaadno, waxa aan rejaynayaa in uu noqdo kualn joogto ah, si aynnu uga wada soconno xaaladaha Qaranka, waxna isaga weydiinno tallaabooyinka aynnu ku dhisayno Mustaqablka Qarankeenna Jamhuuriyadda Somaliland.

Walaalayaal; Gollayaasha Qarankaneennu door muhiim ah ayey ku leeyihiin geedigga dimuqraadiyadda iyo nidaamka dawladnimo ee dalkeenna. Sidaas awgeed waajib bay xukuumad ahaan nagu tahay, in aannu kaalin idinka siinno nashqadaynta isbeddelka togan ee aannu doonayno in aannu qarankan ku hagno.

Gollaha Guurtida oo qudhaydu aan xubin sharafeed ka ahay, hoggaamintiisa, xikmaddiisa iyo taladiisa waayo-aragnimo, ayaa qeyb lixaad leh ku lahayd dhismaha seeska dawladnimadeenna, adkaynta qiyamkeenna iyo dhaqankeenna, iyo sugidda ammaankeenna.

Shaqadaas muhiimka ah oo Golluhu uu kalsooni badan kaga kasbaday Qaranka, iyo kaalinta gaarka ah ee uu dastuurkeennu siiyey, waxa ay iftiiminaysaa muhiimadda weyn ee ay leedahay wada shaqaynta waaxyaha kala duwan ee dawladdu, si loo adkeeyo nidaamka dawladnimo, loona xaqiijyo himilada muwaadiniinta.

Waxa aan jecelahay in kulankani uu noqdo kii sii dardargelin lahaa iskaashigaas, iyo wada shaqayntaas waajibka innagu ah.
Inuu noqdo kulankii u gogol-xaadhi lahaa midnimo qaran oo aynnu tusaale ugu noqonno guud ahaan umaddeenna, waxtarkeeduna ka muuqdo gobalka iyo guud ahaan xidhiidhkeenna dalalka dibadda.

Guddoomiyaha Guurtida Somaliland Saleebaan Naxamuud Aadan

Waxa aan xusayaa Itoobiya oo ah saaxiib soo-jireen ah, iyo jaal aynnaan uga marmayn horumarka dhaqaalaha, adkaynta amniga, xasiloonideenna bulsho, iyo xidhiidhkeenna Afrika. Waajib bay nagu tahay in aannu xidhiidhkaas sii wanaajinno, faa’iidada uu u leeyahay labadeenna Qaranna aanu halka ugu sarraysa gaadhsiinno.

Waxa aan isagana xusayaa xidhiidhkeenna Maraykanka oo ku jira dalalka sida gaarka ah inoo daneeya. Waxa aan bogaadinaynaa xildhibaanada reer Maraykan iyo Guddidada Arrimaha dibadda baarlamaanka ee ku baaqaya in Maraykanku uu xafiis diblumaasiyadeed ka furto Somaliland. Waxa aannu mari doonnaa dariiq kasta oo aannu ku sii xoojinayno xidhiidhkaas.

Xidhiidho fiican ayaa noo socda dawlado badan oo kale, waxaanan rajaynayaa in midho wax ku ool ahi ka soo baxaan.

Dalka guddihiisa waxa aannu bilownay kormeero la xidhiidha Ciidankeenna kala duwan si aan dib u habaynta hay’addaha ammaanka iyo difaaca Qaranka u galno. Dhinaca kalena waxa aannu barbar wadnaa dedaallada xasilinta bariga Somaliland oo meel fiican maraysa, dhawaanna sida aan Shir Guddoonka Gollaha Guurtida isla qaadannay waxa aan si madax bannaan u magacaabi doonnaa Guddi u xilsaaran arrimahaa nabadeynta.

In kasta oo aanay waqtigan jirin khatar gurmad degdeg ah u baahani, haddana waxaa waajib ah feejignaan dheeraad ah, si aynnu u xaqiijinno in qarankani uu sii ahaado shamaca nabadda iyo dimquraadiyadda ee gobalka Geeska Afrika.

Walaalayaal;

Aynnu dhinac iska dhigno doonisteenna qofeed iyo danaha ka hooseeya qarannimada, una midowno himilada iyo higsiga guud ee qarankeenna, xukuumad ahaan taas ayaannu ka shaqayn doonnaa.

Wadajir waxa aynnu dhisi karnaa Somaliland qurux badan, adkays leh, rejo run ku dhisanina u muuqato.

Alle ha innagu garabgalo rumaynteeda.

Waad mahadsantihiin