X

#Somaliland: Madaxweyne Bixii Oo Safar Su’aalo Dhaliyay Ugu Baxay Ethiopia Kaddib Markii Uu Kasoo Laabtay Djibouti

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi iyo Ra’iisal Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Demeke Mekonnen, Ethiopia Addis Ababa 31 December 2023, Image Araweelo News Network.

#Somaliland: Madaxweyne Bixii Oo Safar Su’aalo Dhaliyay Ugu Baxay Ethiopia Kaddib Markii Uu Kasoo Laabtay Djibouti
Addis Ababa (ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda  Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftigii uu hoggaaminayay, ayaa gaadhay dalka Ethiopia, maalin kaddib markii uu kasoo laabtay dalka Djibouti oo ay kula kulmeen wefdiga Madaxweynaha Dawladda Federaalka Somalia ee uu hoggaaminayay Madaxweyne Xasan Sheekh.

Labada dhinac oo Madaxweyne Ismail Cumar Geelle dhexda ugu jiray ayaa gaadhay heshiis ay sheegeen in uu ibafur u yahay Midnimada Somalia, sida uu sheegay Wasiirka arrimaha Guddaha Somalia oo qayb ka ahaa wefdiga dawladda Federaalka, isla markaana u saxeexay dhanka Somalia heshiiska Djibouti lagu gaadhay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, waxa madaarka Caalamiga ah ee Bole International Airport ku sugayey kuna soo dhaweeyey Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Ethiopia Mudane Demeke Mekonnen, iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan Dawladda Ethiopia.

Madaxweyne Biixi safarkiisu kusoo beegmay maalin kaddib markii uu dalka Djibouti kulamo kula yeeshay Madaxweynaha Somalia Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa si degdeg ah ugu kicitimay dalka Ethiopia, iyadoo ujeedada safarka aan si dhab ah loo xaqiijin, balse la rumaysanyahay inuu xidhiidh la leeyahaya safarka Djibouti iyo wadahadaladii Somaliland iyo Somalia, kuwaas oo ay qayb ka tahay Ethiopia oo hore dawladda Federaalku xilligii Madaxweyne Farmaajo ugu saxeexday dekaddo ku yaal Xeebaha dhulka Soomaalida, isla markaana xilligan si weyn loo hadalhayo in Ethiopia oo ku dhololay dekedda Saylac qayb ka tahay arrimaha lagaga hadlay Djibouti iyo socdaalka Madaxweyne Bixii oo xafalad arrintaa ku saabsan loogu qabto Addis Ababa.

Safarka Madaxweyne Bixii waxa ku weheliya Wasiirrada Wasaaradaha Waxbarashada iyo Sayniska, Dr. Axmed Aadan Axmed (Buuxane), Qorshaynta iyo Horunarinta Qaranka, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda, Dr. Sacad Cali Shire, ku-xigeenka Ganacsiga iyo Dalxiiska, Muuse Ibraahim Selef, halka wasiirka arrimaha dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Ethiopia kaga sii horeeyo weftiga iyo Safiirka Somaliland u fadhiya Dalka Ethiopia, Amb Cumar Cabdilaahi Badde iyo Safiirku xigeenkiisa Amb. Barkhad Maxamed Kaariye.

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post