X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Qaabkee Uga Hadlay Qalalaasaha Soomaaliya Iyo Xiisadda Collaada Muqdisho

Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, Image Araweelo News Network 28 April 2021.

Araweelo News Network.

#Madaxweyne# Biixi oo #Farmaajo Ku tilmaamay  Nin aan qiran khaladkiisa, wuxuuna farriin u diray Shacbiga Soomaaliyeed.

Berbera(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay xiisaddaha qalalaasaha iyo collaaddaha ka taagan Soomaaliya ee gil-gilay Magaalada Muqdisho maalmihii u danbeeyay.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, waxa uu sheegay inay dawlad ahaan iyo qaran ahaanba ka damqanayaan dhibaatada iyo qaxa loo geysatay shacabka magaalada Muqdisho oo masuuliyadeeda uu dusha u saaray xukuumadda Federaalka.

Hadalka ayaa Madaxweyne Biixi ka sheegay magaalada xeebta  ah ee Berbera oo ah xarunta gobolka Saaxil, halkaas oo safar uu ku tegey maanta, wuxuuna isagoo ka hadlaya xaaladda magaaladda Muqdisho sheegay in shacbka Somaliland iyo xukuumadoodu qaddarin iyo ixtiraam badan u hayaan shacabka Muqdisho, balse ay Somaliland is hayaan siyaasiyiinta iyo hoggaamiyayaasha diiddan qarannimada Somaliland.

Madaxweyne Biixi oo ka hadlaya arrimaha ayaa yidhi, “Dawladda Xamar ka dhisani dhibaatada ay u geysatay dadka xamar jooga iyo dhibaatada iyo qaxa ay gelisay aad iyo aad baannu uga damqanaynaa, Soomaaliya maamulka dadka hoggaamiya iyo siyaasiyiinta tallo xumadooda ayaannu is haynnaaye shacbiga walaalahayaga Soomaaliya marna dhibaato lama rabno, haddaannu helayno waa u gurman lahayn, markay dhibaato dhacdona waannu u gurmannaa.”ayuu yidhi.

“Maanta aad baannu uga walaacnay oo aannu uga naxnay markaannu aragnay Xamar oo dib dagaal uga bilaabmayo, eedda arrintaa waxa leh dawladdii hoggaanka haysay oo iyadoo waqtigeedii dhammaaday damacday in aannay dadkii dhegaysan.”ayuu raaciyay Madaxweyne hadalkiisa.

Balse, wuxuu xusay in ay wax lagu farxo tahay in caddaadis la saaray dawladda Soomaaliya ay kusoo nooqtay halkii la rabay oo aannay jirin maanta cid qaxaysa Xamar, Beledweyne iyo gaalakacayo midna.

Sidoo kale, wuxuu sheegay Madaxweyne Biixi inuu ammaanayo siyaasiyiin uu sheegay in ay kusoo laabteen, wuxuu ku tilmaamay wadada toosan, isagoo dhaliilay qaabkii Madaxweynaha dawladda Federaalka ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uga hadlay xaaladda, wuxuuna Madaxweyne Biixi ku tilmaamay mid aan qiran mar keliya khaladkiisa oo aan kusoo qaadin khudbadiisa.

 

Dhinaca kale, Madaxweyne Biixi, wuxuu isagoo farriin u diraya shacbiga Muqdisho sheegay in dhibaatada ay xannuunkeeda Afarta sanno ku dareemeen ay tahay mid Jamhuuriyadda Somaliland soddonkiisa sanno ee ugu dambeeyeyba u dulqaadanaysay.

 

“Shacabka Soomaaliya waxan leeyahay bal Soddon sanno oo ahaa waxaa aad maanta aragteen ee dhibaatadaasi idinka gaadhay baa naga haysta dawladihii Xamar ka dhismay, kan ilaa kuwii ka horreeyey, shicib ahaanna waxan idiin sheegayaa innaad oggaataan inaannaad dadka necbayn ee danteennu is diidday oo waxaas maanta aad ka sasteen ee caalamku ka yaabay ay soddonkaas sanno naga haysteen madaxdiina iyo dadka idiin taliya,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post