X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Xilalkii Ay Hayeen Ka Qaaday Masuuliyiin Kuwo Kalena Magcaabay

President of the Republic of Somaliland muse Bihi Abdi Image Araweelo News Network 26 November 2020.

Araweelo News Network.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegtooyin xilkaqaadis iyo magcaabis masuuliyiin Xukuumaddiisa ah.

Wareegtooyinka kasoo baxay Xafiiska Madaxweyne Biixi maanta oo summadeedu ahayd JSL/XM/XKQ/222/1-959/112022 iyo JSL/XM/WM/222-960/112022, waxa lagu sheegay in xilkaqaadis iyo magacaabis ku sameeyey qaar ka mid ah masuuliyiin Xukuumadda ka tirsan, halka kuwo kalena uu magcaabay.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

1. Ku: Xasan Axmed Aadan
Xeer-ilaaliyihii Guud ee Qaranka

Mudane, Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka. Waxa aan kuu rajaynayaa caafimaad taam ah iyo mustaqbal wacan.

2. Ku: Cabdillaahi Cabdiraxmaan Aare
Wasiirkii Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha JSL.

Mudane Laga bilaabo taariikhda maanta waxaan go’aansaday in aan kaa-nasiyo xilkii Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshadaha Jamhuuriyadda Somaliland. Sidaa darteed, waxaan kaaga mahad-celinayaa dedaalkii iyo hawlkarnimadii aad muujisay muddadii aad haysay xilka Qaranka.

Wareegtada Madaxweynu ku magcaabay masuuliyiinta cusub, ayaa lagu yidhi, Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Aqoonteeda, Kartidiisa, Kartideeda iyo Waayo Aragnimadiisa, Waaya-aragnimadeeda;

Markaan ku Qancay: Inuu Hannan karo, In ay Hannan Karto Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

Markaan Sameeyey: La-tashi; Waxaan Go’aamiyey;

1. In Cabdiraxmaan Jaamac Hayaan Hoorri laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Xeer-ilaaliyaha Guud ee Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland.

2. In Aamina Cilmi Fariid Badeed laga bilaabo taariikhda maanta ay ahaato Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maalgashiga iyo Warshaddaha Jamhuuriyadda Somaliland.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.

 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post