X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Sameeyay 

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Image File Araweelo News Network 24 October 2020

Araweelo News Network.

 

Somaliland: Wareegto Madaxweyne

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-642/032021 iyo JSL/XM/WM/222-643/032021,  xilkii kaga qaaday Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada kuna magacaabay masuul cusub.

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Ku: Cabdi Maxamed Rodol,

        Maareeyihii Guud ee hore ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada

Og: Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka

 

 

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

 

Sida aad la socoto, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan kaa qaado xilkii aad haysay. Waxaan kaaga mahad-celinayaa muddadii aad haysay xilka Qaranka.

 

Ujeeddo: Magacaabid

Wareegto Madaxweyne

 

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad,

Markaan Tix-geliyey:  Ahmiyadda ay Hay’adda Duulista iyo Madaaradu u leedahay Dhismaha Qaranka;

Markaan Arkay: Aqoontiisa, Kartidiisa, iyo Waaya-aragnimadiisa;

Markaan Arkay: In uu Hanan Karo Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilkan;

 

Waxaan Go’aamiyey; In Mudane, Cumar-sayid Cabdillaahi Aadan Qalinle laga bilaabo taariikhda maanta uu ahaado Maareeyaha Guud ee Hay’adda Duulista iyo Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland 

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post