X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Xil Ka Qaadis Iyo Isku Bedel Ku Sameeyay Masuuliyiin Xukuumaddiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo xafiiskiisa fadhiya Image File Araweelo News Network. 11 January 2021

Araweelo News Network.

Wareegto Madaxweyne

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray xilkaqaadis iyo isku bedel xubnaha gollaha wasiiradda iyo masuuliyiin kale oo xukuumadda ah.

Sidaana waxa lagu sheegay wareegtooyin Madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/XKQ/222/1-708/092021 uu Xilka qaadis, bedel iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida masuuliyiinta xukuumadda.

 

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

 

Wareegto Madaxweyne

 

UJEEDDO: XIL KA-QAADIS    

Ku:      Maxamed Muuse Diiriye,

Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha,

 

Ku:      Jaamac Maxamuud Cigaal, Wasiirkii Hore ee Wasaarada Macdanta iyo Tamarta

 

Ku: Yuusuf Mire Maxamed (Boos), Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha

 

Ku:      Sh. Khaliil Cabdillaahi Axmed, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta

 

Ku:      Axmed Muumin Seed Habane, Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Horumarinta Beeraha

 

Ku:      Cabdinaasir Cumar Jaamac Rooble, Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka

 

Ku:      Cabdiqaadir Cumar Jaamac Maxamed  Wasiir Ku-xigeenkii Hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

 

Ku:      Yuusuf Maxamed Guuleed Boodhle, Wakiilkii Hore ee Somaliland ee Dalka Itoobiya

 

Ku:      Farxaan Aadan Haybe,  Guddoomiyihii Hore ee Hay’adda Shaqaalaha Dawladda

 

Ku:      Cali Ibraahim Jaamac Baqdaadi, Guddoomiyihii Hore ee Baanka Dhexe

Mudanayaal,

 

Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hayseen. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

 

UJEEDDO: MAGACAABID

Markaan Arkay:  Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland;

 

Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;

 

Markaan ku Qancay:    In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;

Markaan Sameeyey:  La-tashi; Waxaan Go’aansaday;

In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post