X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Amray In Ay Bixiso Lacagta Murrashaxiinta Qaarkood

Araweelo News Network.

 

WAREEGTO MADAXWEYNE

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Wasaaradda Maaliyadda Ku Amray In Ay Bixiso Lacagta Murrashaxiinta Qaarkood

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, Image File Araweelo News Network, 28 Oct 2020.

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland,  Muuse Biixi Cabdi, ayaa soo saaray wareegto summadeedu tahay JSL/XM/WHM/240-718/03202, taasoo uu ku go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murrashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

 

 Wareegtada Madaxweynaha

 

Qoraalka waxa lagu socod siiyay, Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, isla markaana waxa oggaysiin la siiyay,  Guddoomiyaha Xisbiga UCID, Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI iyo Xisbiga KULMIYE.

Waxa kale ogaysiin la siiyay Xisaabiyaha Guud ee  Qaraanka, Hanti-dhawraha Guud ee Qaranka iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka.

 

Ujeeddo:   Deebaajiga Murashixiinta ee Haweenka iyo Dadka-La-Hayb Sooco

 

Mudane Wasiir,

 

Sida aad la socoto Xeerka Guud ee Doorashooyinka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer Lr. 91/2020 Qodobka 68aad iyo Qodobka 83aad waxa ay ku waajibinayaan Murashixiinta Gollaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka in ay bixiyaan Lacag Deebaaji ah.

 

Lacagtaa oo ay ku shubayaan Xafiiska Cashuuraha Barriga ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

 

Haddaba, si ay xukuumaddu u dhiirigeliso ka qayb-galka Doorashooyinka Golaha Wakiillada iyo Golayaasha Deegaanka ee Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

 

Waxaan go’aamiyey in Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland bixiso lacagta Deebaajiga ah ee Murashixiinta Haweenka iyo Dadka-la-hayb-sooco.

 

Sidaa darteed, waxa aan ku war-gelinayaa Xisbiyadda Qaranka in ay Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda u gudbiyaan faah-faahinta murashixiinta kor ku xusan ee shuruudihii sharciga buuxiyey.

 

Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda waxa la farayaa in ay bixiso lacagta sharcigu ku waajibiyey murashixiinta kor ku xusan ee shuruudaha buuxiyey.

Kuwaas oo ay kuu soo gudbinayaan Guddoomiyayaasha Xisbiyada Qaranku.

 

ALLAA MAHAD LEH

 

Muuse Biixi Cabdi

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post