X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo  Tababar U Soo Xidhay Layli Sarkaal Oo Dalka Gudihiisa Wax Ku Baratay

Araweelo News Network

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana ah taliyaha cuud ee ciidanka qaranka, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka qayb-galay qalinjebinta dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal oo markii ugu horraysay dalka gudihiisa lagu tababaray, kuwaas oo maanta xaflad loogu qabtay Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar ee Dararweyne oo duleedka Bari ee Hargeysa ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tababar usoo xidhay dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Munaasibadda loogu fooladaynayey dufcadda koowaad ee layli sarkaal oo ahayd mid si weyn loo abaabulay, islamarkaana uu madaxweynuhu derejooyin cusub ku taxay dhallinyarada maanta qalinjebisay, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, Duuliye Sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed dheere) xubno kamid ah golaha wasiirrada, taliyayaasha kala duwan ee ciidamada dalka, macallimiinta kulliyadda tababarka Cabdullahi Askar,  madax kala duwan oo ka socota hay’adaha xukuumadda, saraakiisha cusub ee la layliyey iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo saraakiisha cusub ee dalka usoo baxday iyo waajibaadka horyaalla.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo tababar usoo xidhay dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Taliyaha kulliyadda tababarka saraakiisha Cabdullaahi Askar gaashaanle sare Maxamuud Maxamed Sardheere iyo madax hoggaanka tababarka ciidanka qaranka sarreeyo guuto Axmed Cali Maxamed Tansaani oo hadalka u kala dambeeyey, ayaa ku dheeraaday marxaladihii kala duwanaa ee ay la soo mareen tababarka saraakiisha cusub ee maanta qalinjebisay, waxana ay caddeeyeen inay yihiin dhallinyaro dhinac walba ka dhisan, islamarkaana lagu aamini karo inay kasoo baxaan hawl kasta oo qaranku uga baahdo.

Ciidanka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Tababarjka usoo xidhay, kuwaas oo ah dufcaddii koowaad ee Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Taliyayaasha ciidamada militeriga, Booliska, Asluubta iyo badda oo iyaguna madasha ka hadlay, ayaa bogaadiyey saraakiisha cusub ee dalka gudihiisa ku tababaratay, waxana ay shaaciyeen in dufcaddani caddayn u tahay inuu qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiisha, iyaga oo saraakiisha aflaxdayna kula dardaarmay inay dhexda u xidhaan sidii ay qarankooda ugu shaqayn lahaayeen, ugana faa’iidayn lahaayeen aqoontii iyo tacabkii la geliyey, amniga qarankooda iyo ilaalinta nafta iyo maalka bulshadana il gaar ah ku eegaan.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo Derejo u xidhaya Gabadh ka mid ah Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Wasiirka wasaaradda Gaashaandhigga, Mudane Cabdiqani Maxamuud Caateeye (Fariid), ayaa isaguna dhankiisa hambalyeeyey dhallinyarada saraakiisha ah ee dalka gudihiisa wax ku baratay, waxana uu sheegay inay  saraakiishani maanta marag ka yihiin in qaranku isku fillaansho ka gaadhay dhinaca soo saaridda saraakiil cusub oo haatan ka hor dibadda loogu bixi jirey, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waa maalin weyn oo jirriddaha loo adkeeyey awoodda ciidamada Jamhuuriyadda Somaliland oo isku fillaansho ka gaadhay tababaridda heer sarkaalnimo oo markii hore dalka dibaddiisa lagaga soo bixi jiray.”

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi Iyo Taliyaha oo salaam ka qaadanaya Sarkaalad ka hor intii aan la siin Derejada loogu xidhay Garbaha Gabadh ka mid ah Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo tababarka usoo xidhay saraakiisha da’da yar ee dalka wax ku baratay, ayaa ugu horrayn hambalyo iyo bogaadin u diray saraakiisha waxbarashada dhammaysatay, waxana uu ku bogaadiyey samirkii iyo dhabar-adaygii ay halkan kusoo gaadheen, isaga oo ku boorriyey inay isu diyaariyaan inay xilka iyo waajibaadka fuulay gutaan oo ay majahara u qabtaan ciidamada kala duwan ee dalka, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Idinka iyo kuwa idinka horreeya ee tobbanka sanno wax soo baranayey, ayaa ciidanka, qaranka, Badda, Boolis, Asluub iyo Ciidanka Laanta socdaalka dhammaantood cidda xilkeedu fuulayaa waa idinka, waxan idinka rajaynayaa inaad xilkaas isu diyaarisaan oo qaranka halkii lasoo gaadhsiiyey ka qaaddaan oo aad waajibkiina si fiican u gudataan, dalka iyo dadkuna idin mahadiyo.”

Sarakiisha Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Muuse Biixi Cabdi ku taxay Derejooyinka ee dhamaystay Layli sarkaal dalka gudihiisa lagu tababaray, Dugsiga Tababarka Cabdullaahi Askar Image File Madaxtooyadda Somaliland 31 Oct 2020.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu derejooyin kala duwan ku taxay saraakiisha cusub ee layliga dhammaystay, isaga oo sidoo kalena derejooyin u xidhay saraakiil kale oo ka kala tirsan ciidamada kala duwan ee qaranka, kuwaas oo ku dallacay shuruucda kala duwan ee ciidamada dhexdooda derejooyinka lagu helo, isaga oo sidoo kalena  abaalmarinno kala duwan guddoonsiiyey xubnihii ugu sarreeyey iyo kuwii ugu akhlaaqda wanaagsanaa muddadii ay kusoo jireen layliga sarkaalnimo, waxana uu xadhigga ka jaray xarunta dab-ridka ciidanka oo laga dhex bineeyey kulliyadda Cabdullaahi Askar

 

 

 

 

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post