#Araweelo News Network

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu soo saaray  18/10/2024 usoo saaray saddex wareegto oo la xidhiidha
isticmaalka Hantida Qaranka, Warbaahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha,
Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda iyo
Ciidammada Qalabka-sida iyo Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka
waqtiga lagu jiro ololaha doorashada Madaxtooyada iyo ururada Siyaasadda ee u
muddaysan 13-ka bisha November ee soo socota.

 

Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-
 Wareegtada Koowaad
Ku: Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka
Ku: Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Isticmaalka War-baahinta Dawladda iyo Fagaarayaasha Ololaha

Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo
Axsaabta Qaranka oo qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 31aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista
Xeerka Nidaamka Ururrada iyo Axsaabta Siyaasadda, Xeer Lr. 14/2023, waxa aan
farayaa Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyigelinta iyo Dhaqanka in Xisbigyada
Qaranka iyo Ururada Siyaasaddu u sinnaadaan War-baahinta Dawladda ee kala duwan
iyo baahinta wararka muddada ololaha doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa aan farayaa Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Jamhuuridda
Somaliland in loo sinnaado isticmaalka fagaarayaasha ololaha muddada ololaha
doorashooyinka, isla markaana la sugo ammaanka shacabka iyo masuuliyiinta
Axsaabta Qaranka iyo Ururrada Siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland ee ku sugan
fagaarayaasha ololaha.
 Wareegtada Labaad
Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Reebbanaanta Adeegsiga Hantida Danta Guud, Shaqaalaha Dawladda
iyo Ciidammada Qalabka-sida

Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo
Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, aniga oo cuskanaya Qodobka 101aad ee Wax-ka-beddelka iyo Kaabista
Xeerka Guud ee Doorashooyinka Qaranka iyo Diiwaan-gelinta Cod-bixiyayaasha, Xeer
Lr. 91/2023, waxa reebban in Hantida Danta Guud ee Qaranka nooc kasta oo ay tahay
loo adeegsado Ololaha Doorashooyinka innagu soo foolka leh.
Sidoo kale, waxa reebban in shaqaalaha Dawladda iyo Ciidammada kala duwan ee
Qalabka-sidaa ay ku lug-yeeshaan, kana qayb-galaan ololaha Doorashooyinka
qorshaysan 13-ka November 2024.
Cid kasta oo baal-marta awaamiirtaasi, waxa aan farayaa masuuliyiinta u xil-saaran in
ay ka qaadaan tallaabo sharciga waafaqsan.
 Wareegtada Saddexaad
Ku: Golaha Wasiiradda Jamhuuriyadda Somaliland
Ku: Hay’adaha Madaxa-bannaan ee Dawladda
Ku: Taliyayaasha Ciidammada Qalabka-sida
Og: Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Ujeeddo: Gacan-siinta Komishanka Doorashooyinka Qaranka
Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, dalka waxa ku soo fool leh doorashooyinka Madaxtooyada iyo
Axsaabta Qaranka ee qorshaysan 13-ka November 2024.
Sidaa darteed, idinka oo gudanaya waajibaadka iyo masuuliyadda aad Qaranka u
haysaan, waxa aan idin farayaa in aad gacan ku siisaan Komishanka Doorashooyinka
Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland gudashada waajibaadkooda Qaran ee
qabsoomidda doorashooyinka Madaxtooyada iyo Axsaabta Qaranka, idinka oo raacaya
shuruucda iyo xeerarka dalka.

Waxa aan si gaar ah u farayaa Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliyayaasha
Ciidammada Qalabka-sida ee Jamhuuriyadda Somaliland in ay Komishanka
Doorashooyinka Qaranka ku gacan siiyaan sugidda amniga muddada ay socdaan
ololaha iyo doorashooyinka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland