X
    Categories: Warar

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Soo Saaray Wareegto Cusub

Madaxweyne Muuse Biixi


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland, Muuse Bixii Cabdi, ayaa soo saaray wareeegto uu gacanta dawladda kusoo celinayo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number);

Wareegto kasoo baxday Maanta Xafiiska Madaxweynaha Jamhuriyadda Somaliland ooo nuqul ka mid ah soo gaadhay shebekadda Araweelo News Network, aaya u qorayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegto madaxweyne oo summadeedu tahay JSL/XM/WM/222-394/122019, ku soo saaray La-wareegidda Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

Waxaanay u dhignayd Wareegtada Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegto Madaxweyne Markaan Arkay: Qodobka 90aad ee Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland; Markaan Arkay: Qodobka 14aad, faqraddiisa 1aad iyo Qodobka 54aad, faqraddiisa 1aad ee Dastuurka;

Markaan Arkay: Xeerka Wada-marista Gaadiidka Xeer Lr. 56/2013;

Markaan Garwaaqsaday: In daryeelka iyo Hantida Guud ay tahay waajib saaran Xukuumadda, hantidaas oo haddii loo baahdo lagu wareejin karo oo keli ah, si sharciga waafaqsan, sida ku cad qodobka 12aad ee Dastuurka Dalka;

Markaan Xaqiiqsaday: La soo noqoshada Hantida Dawladdu muhiimadda ay leedahay, maadaama aanu jirin Xeerka Iskaashiga Dawladda iyo Ganacsiga Gaarka ah (PPP Act);

Markaan dersay Muhiimadda ay leedahay in gacanta dawladda lagu soo celiyo hanti ahaan iyo maamul ahaanba Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number);

Markaan Helay, Talo soo-jeedinta Guddida Dhaqaalaha iyo Horumarinta ee Heer Qaran iyo Tallo Bixinta Sharci ee heshiisyadii dhex-maray Xukuumadda iyo Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS;

Waxaan Go’aamiyey;
1) In la buriyey heshiisyadii lagu wareejiyey adeegyada; Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).

2) In Xukuumaddu gebi ahaanba la soo noqotay maamulkii, gacan-ku-hayntii, adeegii iyo qalabkii Buugga Lahaan-shaha Gaadiidka iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number).
3) In Wasaaradda Gaadiidka iyo Horumarinta Jidadka, Wasaaradda Ganacsiga, Warshadaha iyo Dalxiiska, Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda, Xafiiska Hanti-dhawraha Guud iyo Xafiiska Xisaabiyaha Guud ay keenaan qiimaynta dhabta ah ee dhaqaalaha ay Shirkadaha Hodan Enterprise iyo GTS ku maal-geliyeen Buugga Dhaq-dhaqaaga Gaadiidka (Circulation Book) iyo Summadda Tirsiga Gaadiidka (Plate Number), iyaga oo dersaya qiimaha ay hadda suuqa ka marayaan marka ay cusub yihiin, isla markaana ka jaraya wixii duugaw ah (Depreciation).
4) In Wasaaradaha iyo Hay’adaha ay khusaysaa ka gutaan waajibaadkooda sharci ee fulinta qodobbadan kor ku xusan.
5) In Shaqaalihii ka hawl-galayey adeegyadani ay shaqadooda u sii wadanayaan si caadi ah.

ALLAA MAHAD LEH

Muuse Biixi Cabdi

Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post