X

#Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Si Adag Uga Hadlay Dagaal Dhimasho Iyo Dhaawac Sababay Oo Ka Socda #Bariga Dalka

Somaliland President Muse Bihi Abdi delivers a speech to the two National Assemblies 8 March 2021. Image file Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

#Somaliland: #Dagaalka #Xuddun Oo Sababay #Dhimasho Iyo Dhaawac.

Hargeysa(ANN)-Xukuumadda Somaliland, ayaa si adag uga hadashay dagaal laba dhinac ku dhemxaray deegaanka Xuddun ee Bariga Somaliland, kaas oo sababay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, oo ka hadlay dagaalka, ayaa ugu baaqay dhinacyada in ay si deg-deg ah u joojiyaan dhiigga ay daadinayaan, wuxuuna sidaa ku sheegay Baaq nabadeed oo uu xalay warbaahinta u mariyay dhinayada.

Dagaalka, ayaa ka dhacay Ceelka Dhabar-dalool oo ku yaal Degmada Xuddun oo dhacda Waqooyi Barri ee gobolka Sool, waxaana laga soo sheegayaa  inuu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac oo gaadhaya dhawr iyo tobban.

“Dagaalkaa ka kacay Ceel-biyoodka Dhabar-dalool ee Degmada Xudun, wakhtigan maaha macquul in la daadiyo dhiigga dadka muslinka ah, sidaa awgeed waxa aan ugu baaqayaa kuwa colaadda hurinaya inay ka waantoobaan oo ay u tudhaan dadkooda maatida ah ee aan waxba galabsan iyo aakhiradooda, iyadoo weliba lagu jiro bishii barakaysanayd ee Ramadaan oo ah bil cibaado.” Ayuu Madaxweyne Biixi ku yidhi, baaqa oo nuqul ka mid ah soo gaadhay caawa shebekadda Araweelo News Network.

Madaxweyne Biixi, wuxuu ugu baaqay waxgaradka, waayeelka, culimada iyo aqoonyahanka labada dhinac ee dirirtu dhexmarayso inay xasilooni ku soo dabbaalaan xaaladda, dhexdana u xidhaan sidii loo joojin lahaa khasaaraha uu sababay dagaalka .

Dhincyada ku dagaalamaya duleedka Xuddun, ayaa dhowaan muddo dheer ka dib heshiis ku gaadhay degaanka Adhi-cadeeye oo ay xubno ka mida golaha wasiiradu bilo u fadhiyeen sidii heshiis loo gaadhi lahaa, balse nasiib daro ay labadii dhnac dib ugu dirireen ceel-biyoodkaa shalay.

“Sideedaba collaad Wiilbaa ku dhinta ee wiil kuma dhasho, ayuu yidhi, madaxweyne Biixi oo si adag u tilmaamaya in aan loo dulqaadan Karin collaad sokeeye oo sidan u khasaare badan inay ku soo noq-noqoto deegaamada gobolka Sool,

Dhinaca kale, Madaxweynaha jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, wuxuu ciiddamada qaranka, maamulka gobolka iyo dhammaanba hay’addaha kala duwan ee xukuumadda amar ku siiyay  inay tallaabo dawladnimo ka qaadaan collaada soo noq-noqotay,  isla markaana cid kasta oo u hoggaansami-wayda nabadda iyo samahana tallaabo ku habboon ka qaadaan.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ee nabadda iyo samaha jecel u soo jeedinayaa inay gacan ka geysataan daminta collaada iyo joojinta dhiig danbe oo ku daata dirirtaa.

Madaxweyne Biixi, wuxuu tacsi u diray ehelada dadkii ku naf waayey dagaalka, isagoo ugu duceeyay intii ku dhaawacantay in Allah caafimaad ka siiyo waxyeelada kasoo gaadhay dagaalka.

Araweelo News Network.

info@araweelonews.com

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post