X

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Sheegay In Diinta Islaamka Lagu Difaacayo Xoog Iyo Xeellad

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi oo ka hadlaya Jaamacadda Barwaaqo Universtiy, 16 August 2021, Image Araweelo News Network.

Araweelo News Network.

 

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in ay waajib tahay in Diinta Islaamka lagu difaaco xoog iyo xeellad, balse aan loo baahnayn in dhalinyarada aan lagu cabsigelin in marka Nin Diin kale haystaa la kulmaan inuu Diinta ka saarayo.

Madaxweyne Biixi, wuxuu sidaa ka sheegay mar uu maanta ka qaybgalay Koox Hablo ah oo dhammaystay Jaamacadda Barwaaqo University oo ku taal  deegaanka duleedka dhanka Woqooyi ka xiga qiyaastii 20km Magaaladda Caasimadda ah ee Hargeysa.

“Waxa had iyo jeer lagu murmaa Iskuulkan iyo Jaamacaddiisa dad badan o aan dersin, ama jibadooda aan fahmin waxa ka socda, ama cadaw u ah Islaamka ayaa ka fidiya warar aannay hubin waxay yihiin, taas ayaa igu kaliftay in aan Dugsiga tago anigoo keligay ah, isagoo shaqaynaya” ayuu yidhi, Madaxweyne Biixi oo daba socday waxyaabo marar hore laga faafiyay Dugsiga Abaarso oo aan xaqiiqooyin caddaymo ah lasoo bandhigin.

Barwaaqo Universtiy oo ah jaamacad boodhin ah oo aan nooceedu hore uga jirin Somaliland, isla markaana ah mid tayo sare leh, ayaa khaas u ah Hablaha si ay Haweenka Somaliland u helaan fursado waxbarasho oo taya leh, taas oo ujeeddadeedu tahay inay beddesho dhabbaha fursadaha ay helaan haweenka Soomaaliyeed ee dhallinyarada ah, kuwaas oo la doonayo in ay usii gudbaan dib u dhiska qaran ee dalka.

Qaar ka mid ah Hablaha Barwaaqo Universtiy oo ah jaamacad Boodhin ah, 16 August 2021, Image Araweelo News Network.

Aasaasayaashii Barwaaqo waxay hormuud u ahaayeen guusha cajiibka ah ee Dugsiga caanka noqday ee Abaarso School, waxaana hindisay 2017, Hablo wax ka bartay Dugsigaa oo markaa kaddib ka helay deeq waxbarasho jaamacaddaha ugu sarreeya ee ugu caansan dunida, sida Harvard, Yale, Columbia, Brown iyo MIT.

Munaasibada Maxaweynaha Somaliland ka qaybagalay maanta ayaa ahayd mid ay Jaamacadda Barwaaqo loogu qabtay xaflad 16 hablood oo wax ka bartay Jaamacadda, kuwaas oo noqday dafcadii koowaad.

Muuqaalkan ka Daawo Munaasibada Iyo Madaxweynaha oo ka hadlaya.

 

Published by Araweelo News Network.

Fadlan la wadaag saaxiibadaa oo warbxinaha iyo wararka ay soo gudbiyaan shebekaddaha Araweelo News Network.

Follow us Twitter@Araweelonews

Facebook@AraweeloNews

instagram@araweelonews

By Arraale M Jama Freelance Journalist and Human Rights activist.

info@araweelonews.com

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post