X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Sameeyay Isku Shaandhayn Ay Ka Muuqdaan Kaadiriintii Xisbigii UDUB

President of the Republic of Somaliland Muse Bihi Abd, Image File Araweelo News Network.i

Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sameeyay isku shaandhayn uu ku sameeyay xukuumaddiisa, wuxuuna xilalkii ay hayeen ka qaaday dhawr ka mid ha xubnaha golaha Wasiiradda Xukuumaddisia, isagoo sidoo kale magcaabay xubno ay ku jiraan Kaadiriintii Xisbigii UDUB.
Wareegtada Madaxweyne Biixi oo goordhowayd kasoo baxday qasriga Madaxtooyadda oo nuqul ka mid ah soo gaadhay Shebekaddda Araweelo News Network, ayaa u dhignayd sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, waxa uu wareegtooyin Madaxweyne oo summadahoodu yihiin JSL/XM/XKQ/222/1-387/122019 iyo JSL/XM/WM/222-388/122019 uu xilka qaadis iyo magacaabid ku sameeyey xubno ka mida golaha wasiirada

Waxaanay u dhignaayeen wareegtooyinka madaxweynuhu sidan:-

Wareegto Madaxweyne

Ujeeddo: Xil Ka-qaadis
Ku: Cabdirisaaq Cali Cabdi Saalax Wasiirkii hore ee Wasaaradda Cadaaladda;
Ku: Cabdiraxiim Cismaan Xaaji Cabdi (Shibbiin) Wasiirkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka
Ku: Cismaan Aadan Jaamac Wasiirkii hore ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska
Ku: Xuseen Ibraahim Xasan Buuni Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Qorshaynta iyo Horumarinta Qaranka

Ku: Cabdiqaadir Maxamuud Sh. Muxummed Warsame Wasiir Ku-xigeenkii hore ee Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda.

Mudanayaal,
Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey sunnihiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hannan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalka aad hayseen ee kor ku xusan.

Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilalka Qaranka.

Ujeeddo: Magacaabid
[Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hanan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;
Waxaan Go’aamiyey; In laga bilaabo taariikhda maanta aan masuuliyiintan u magacaabo xilalkan:

admin: #Arraale Mohamoud Jama is a freelance and investigative journalist, writer and human rights activist with more than 20 years of experience. He writes about a range of topics related to social issues such as human rights, politics and security. Other topics in which Mr. Arraale is interested include democracy and good governance. Mr. Arraale has written extensively on regional and international events, and has worked with Somaliland newspapers and Human rights organizations. In 2008, he established #Araweelo #News #website# Network, which he currently manages. For further information, please contact: Info@araweelonews.com or jaamac132@gmail.com Send an SMS or MMS to + 252 63 442 5380 whatsapp.com/ + 252 63 442 5380 /https://twitter.com/Araweelonews/https://www.facebook.com/Araweelonews/
Related Post