X
    Categories: Warar

Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Safiiro Dhawr Dal Ah Xilalkii Ka Qaaday Kuwo Kalena Magcaabay

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Muuse Biixi Cabdi 24 March 2019, Labada Gole Baarlamaan Hargeysa


Hargeysa(ANN)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu wareegtooyin madaxweyne oo summadoodu kala tahay JSL/XM/XKQ/222/1-378/112019 iyo JSL/XM/WM/222-379/112019, uu Xilka qaadis iyo Magacaabid ku sameeyey qaar ka mida wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalalka dibeda.
Waxaanay u dhignaayeen Wareegtooyinka Madaxweynuhu Sidan:-

Wareegtooyin Madaxweyne

XIL KA QAADIS
Ku: Maxamuud Cabdi Dacar Wakiilkii hore ee Somaliland ee Midowga Yurub
Ku: Ayaan Maxamuud Maxamed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Ingiriiska
Ku: Sulub Warsame Xuseen Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Norway
Ku: Cabdalla Muuse Axmed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.
Ku: Cali Maxamed Axmed Wakiilkii hore ee Somaliland ee Dalka Yaman
Og: Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.
Ujeeddo: Xil Ka-qaadis

Mudanayaal iyo Marwo,

Sida aad la socotaan, xilka qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo hadba loo igmado ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilkii aad u hayseen Qaranka. Waxaan idiinka mahad-celinayaa muddadii aad hayseen xilka Qaran.

MAGACAABID

Markaan Arkay: Dastuurka Jamhuuriyadda Somaliland, Qodobka 90aad;
Markaan Tixgeliyey: Ahmiyadda Wakiillada Dibedda ee Jamhuuriyadda Somaliland u leeyihiin dhismaha Qaranka;
Markaan Arkay: Aqoontooda, Kartidooda iyo Waaya-aragnimadooda;
Markaan ku Qancay: In ay Hannan Karaan Masuuliyadda ka Dhalanaysa Xilalkan;
Markaan Sameeyey: La-tashi;

Waxaan uga mahad-celinayaa Wakiilladii hore ee Somaliland muddadii ay hayeen xilka Qaran

ALLAA MAHAD LEH
Muuse Biixi Cabdi
Madaxweynaha JSL.
Nasir Yusuf Dahir
Director of the Presidential Media Department
Hargeisa – Republic of Somaliland

admin: Arraale Mohamoud Jama is a highly experienced freelance and investigative journalist, writer, and human rights activist with over two decades of work in journalism and advocacy. His focus areas include: - Human rights - Politics and security - Democracy and good governance He has contributed to Somaliland newspapers and collaborated with human rights organizations. In 2008, he founded Araweelo News Network, is a Associated Online Agenciesa platform covering regional and international news, which he continues to manage. Contact Information: -Email: Info@araweelonews.com | jaamac132@gmail.com - Phone/SMS/MMS/WhatsApp: +252 63 442 5380 Twitter fallow us @Araweelonews Falow us Facebook: [@Araweelonews )
Related Post